Mid ka mid ah musharixiinta Guddoomiyaha Baarlamaanka oo tanaasulay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Doorashada Guddoonka Golaha shacabka Soomaaliya ayaa ka socota Xarunta Golaha shacabka,waxaana hadda tartanka isaga baxay Xildhibaan Aadan Aadan Maxamed Madoobe.

Guddiga doorashada ayaa waxaa ay sheegeen in haddii tartanka uu isaga baxo qof ka mid ah Musharrixiinta dukumiintiyada doorashada dib loo daababacayo.

Guddiga ayaa xaqiijiyay in ay hadda daabacayaan Warqadaha 10 musharrax oo tartanka ka qeybgelaya iyada oo ay billaabaneyso waxyar kaddib.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka C/Wali Sheekh Muudeey ayaa sheegay in kulanka ay fahdiyaan 262 Xildhibaan,wax ka badanna an la arki karin.

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in goordhow la guda geli doono codeynta balse dib loo soo daabacayo Magacyada musharixiinta maadaama uu tanaasulay Sheekh Aadan Madoobe.