C/raxmaan C/shakuur “Dalka wuxuu halis ugu jiraa kali talisnimo cusub oo sababi karto dagaal….”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa digniin u diray xildhibaannada Baarlamaanka oo maanta dooranaya guddoomiye cusub, kadib markii uu cadaadis la saaray uu isu casilay guddoomiyihii hore Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

C/raxmaan C/shakuur ayaa farriin uu diray ku sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka looga baahan yahay doorashada Gudoomiye kala sooci kara awooda Golaha Shacabka iyo Xukuumada.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu kaga hadlay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo saacadaha soo socda dhici doono.

“Xildhibaanada Baarlamaanka waxaa saakay marti uga nahay doorashada Guddoomiye kala sooci kara awooda golaha shacabka iyo Xukuumadda”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Waxaa uu ka digay in awooda Baarlamaanka iyo Xukuumadda ay galaan hal gacan, isagoo ugala jeeday in la doorto Musharax ay wadato Madaxtooyada.

“Hadii ay hay’adda sharci dejinta iyo laanta fulinta galaan gacanta hal ruux xoriyad ma jiri karto ,waxaa badanaya cabsida iyo argagax gelinta, waxaa la dejinayaa sharciyo kali talisnimo oo loo fuliyo si kali talisnimo”ayuu yiri.

Illaa 11 Musharax ayaa u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaa Musharaxiinta ku jira xubno ay wadato Madaxtooyada, waxaana jira walaac ku aadan haddii la doorto cida Madaxtooyada iyo Xukuumadda wadato.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com