Akhriso seddexda Musharax oo midkood laga yaabo inuu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka  

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda diyaargarowga Doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta ka dhaceysa xarunta baarlamaanka, waxaana xildhibaannada ay bilaabeen inay halkaasi tagaan.

Xaalada amniga ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo la xiray wadadda Maka Almukarama iyo wadooyinka gala xarunta Baarlamaanka oo loo diiray dadka iyo Gadiidka, iyadoo halkaasi la geeyay ciidamada Booliska, NISA iyo kuwa AMISOM.

Doorashadan oo ay ku loolamayaan 11 musahrax ayaa la sheegay inay ugu cadcad yihiin Seddex Musharax oo kala ah:

1- Musharax Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Mursal

2- Musharax Ibraahim Isaaq Yarow

4- Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen)

Seddexdaan musharax ayey u badan tahay inuu midkood noqon doono Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa musharixiinta ugu cad cad kamid ah oo laga yaabo inay codad fiican helaan wareegga koowaad

Shariif Maxamed Cabdalla

Cali Maxamed Nuur (Xaaji Cali)

Madaxooyada iyo Xukumadda ayaa ku mideysan inuu guddoomiye noqdo wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Musharax Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Mursal, iyadoo uu ka mid yahay musharixiintau ugu horeeya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com