Aqalka sare oo baaq deg-deg ah kasoo saaray shirka Dhuusamareeb 3

Muqdisho (Caasimadda Online) – Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saareen ku cadeeyay in loo baahan yahay si wadajir ah in looga shaqeeyo qabsoomidda shirka dhuusamareeb wajigiisa saddexaad.

Shirkaan oo labadiisa waji ay horay uga dhaceen caasimadda Galmudug ayaa ku taariikheysnaa 15-ka August 2020.

Sidoo kale bayaanka wuxuu hogaamiyayaasha Dowladda Federaalka iyo maamullada hoos yimaada ku boorinayaa iney ku dadaalaan sidii uu u noqon lahaa mid mirodhal ah, kana soo baxaan go’aammo lagu mahdiyo.

Bayaanka oo ay maanta soo saareen waxaa kasoo wada shaqeeyay xubnaha joogtada ah ee guddiga oo maanta kulan yeeshay, waxeyna kusoo aadeysaa xilli wufuudda kala duwan ee shirka ay inta badan maanta gaareen halkaas.

HALKAAN KA AKHRISO BAYAANKA AQALKA SARE: