Sawiro: Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb

Dhuusamareeb  (Caasimadda Online) –  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, K/Xigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, Madaxweyneynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mudane Maxamed Nuur Gacal iyo Ku Xigeennadiisa, Xubno ka tirsan Goleyaasha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda Shir ku saabsan doorashooyinka uu uga furmo Dhuusamareeb.

Shirkan ayaa ku saabsan dhammeystirka wada-tashiga hannaanka geeddi socodka siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka, iyadoo madaxdu ay ka arrinsanayaan qodobo muhiim ah oo ay ugu horreyso qabsoomidda doorasho waafaqsan waqtigeeda ku dhacdo.

Hase yeeshee magaalada Dhuusamareeb ayaan waxaan weli soo gaarin Madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland kuwaasoo safar dibbada ah uga maqan dalalka Jabuuti iyo Kenya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb waxa uu kulamo gaargaar ah la qaadan doonaa Madaxda Heer Dowlad Goboleed iyo bulshada qeybaheeda kala duwan..