Maxkamad Mareykan ah oo Maxamed Bin Salman u dirtay amar ah inuu horyimaado

Columbia (Caasimada Online)-Maxkamad ku taalla Mareykanka ayaa soo saartay amar ah in uu ku hor imaanayo dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed bin Salmaan, kadib markii uu dacwad ka gudbiyay sarkaal horay uga tirsanaa sirdoonka Sucuudiga, kuna eedeeyay in uu isku deyay in uu dilo.

Maxkamadda degmada Columbia ayaa soo saartay u yeeristaan Jimcihii oo ah maalin kadib markii Saad Al-jabri uu maxkamadda u dacwooday, isagoo bin Salmaan ku eedeeyay in uu usoo diray koox si ay u dilaan xilli uu ku nolaa Canada.

Jabri oo hadda degan Canada ayaa dacwadiisa waxaa uu ku sheegay in aqoonta uu u leeyahay Maxamed bin Salmaan ay keentay in uu dhaxal suguha beegsado.

“Waa ay yaryihiin dad Dr. Saad uga aqoon badan Maxamed bin Salmaan,” ayaa lagu yiri dacwadda.

“Meelo yar ayaa lagu hayaa akhbaar xasaasi ah oo ku saabsan Maxamed bin Salmaan oo aan ka ahayn xusuusta Dr. Saad- marka laga reebo duubistii uu Dr Saad ka sameeyay dilkii loo qorsheeyay,” ayaa sidoo kale lagu sheegay qoraalka dacwadda.

U yeeristu waa ogeysiin rasmi ah oo dacwadeed, taasi oo shaqsiyaadka la dacweeyay ugu yeerta in ay maxkamadda ka soo hor muuqdaan.

Waxaa intaas dheer in Dhaxal-sugaha ay wehliyaan 12 shaqsi oo ay ka mid yahiin lataliye horay uga tirsanaa maxkamadda boqortooyadda Sacuud Al-Qaxtaani, ku xigeenkii hore ee sirdoonka military-ga Axmed Al-Casiri iyo sidoo kale lataliyaha sare ee MBS Al-askar.

“Haddii aad ku guul darreysato in aad kasoo jawaabto, waxaa lagaa gaari doonaa xukun sida cabashadda lagu dalbadayba,” ayaa lagu yiri amarka loogu yeeray bin Salmaan.

Cabashadda waxaa sidoo kale ku xusan in laba caruur ah oo uu dhalay Al-Jabri ee dhowaan muuqooda la waayay ay ahayd isku day ay kooxda tiger Squad ku doonayeen in ay Al-Jabri ku geystaan meel ay ku dili karaan.

Bishii March, Sarah iyo Cumar oo uu dhalay Jabri ayaa loo diiday in ay ka baxaan dalka Boqortooyadda Sucuudiga – halkaas oo markii dambena lagu xiray. Bishii May Jabri walaalkiis ayaa la xiray. Ma jirto cid qaraabadooda la soo xiriirtay, sida uu sheegay Khaalid oo ka mid ah ilmaha uu dhalay Jabri kuna nool Canada.

“Waa olole lagu doonayo in ay aabahay lagu dilo waxaa Dowladda la-hayste u ah walaalahay Sarah iyo Cumar,” ayuu Khaalid Al-Jabri u sheegay CNN.

Dacawadda ayaa waxay Washinton ka dhigeeysaa in ay xaalad adag la marto Al-Jabri oo ka mid ah hantida CIA-da Maraykanka, Sucuudiguna waxaa uu xiriir diiran la leeyahay Maraykanka, waxaana ka dhexeeya heshiis hub kala gadasho.