Qof ka mid ahaa maxaabiista Xabsiga Dhexe oo xalay geeriyooday + sababta

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshey Caasimada Online, ayaa sheegaya in Alle ha naxariistii mid kamid ah maxaabiista Xabsiga dhexe uu Xalay saqdii dhexe geeriyooday.

Maxbuuska dhintay ayaa ku xukunaa xabsi shan sano ah, waxaana loo heestay eedo la xariira caasi-waalidnimo, sidoo kale waxaa laga jarayay isticmaalka maandooriyaha, halka warar kale ay sheegayaan in loo xukumay falal aan aheyn argigixisinimo.

Qaar kamid ah saraakiisha Xabsiga dhexe ayaa Caasimada Online u sheegay in marxuumka dhintay uu xanuunsanaa maalmihii la soo dhaafay, waxaana la sheegay in uu la il-darnaa nabar dhuunta uga soo baxay, mana helin daryeelkii uu u baahnaa.

Galabta ayaa laga saaray Meydka Marxuumka Xabsiga dhexe ee Xamar, waxaana la soo sheegayaa in aanan weli lagu wargelin qoyskiisa.

Tayada caafimaadka ee xabsiga dhexe ayaa aad looga deyrinayaa, waxaana la sheegay in maxaabiistu wajahayaan daryeel la’aan aad u daran. Qaar ka mid ah waalidiinta maxaabiista ayaa horay u sheegay in gudaha xabsiga ay ka jirto dhibaatooyin kala duwan, waxaana hadda sii adkeeyay weerarkii dhacay todobaadkii hore.

Mid ka mid ah dadka ku sugan Xabsiga Dhexe ayaa Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho u sheegay in maxbuuska xabsiga ku dhintay lagu magacaabi jiray Cabdullahi, isla markaana uu waayey wax daryeel ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maxbuuskaas in ka badan todobaad uu dalbanayey in loo fidiyo daryeel caafimaad, kadib markii uu nabar uga soo baxay dhuunta, balse sida uu sheegay ma helin cid dabiibta oo sidaas ayuu Cabdullahi u dhintay.

Qofka ku sugan xabsiga dhexe oo dalbaday in magaciisa aan warbaahinta loo adegsan ayaa sidoo kale sheegay in wixii ka dabeeyey weerarkii ka dhex dhacay xabsiga todobaadkii lasoo dhaafay ay adkaatay xaaladda maxaabiista, isla markaana ay wajahayaan cadaadiskii ugu adkaa abid.

Isniintii lasoo dhaafay weerar ay fulityeen qaar ka mid ah maxaabiista oo hub gacanta ku dhigay ayaa waxaa ku naf waayey 19 qofood, halka sideed kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu shaaciyey taliska ciidanka Asluubta Soomaaliya oo gacanta ku haaya Xabsiga Dhexe.

Waxaa sidoo kale intii uu weerarkaasi socday xabsiga ka baxsaday Mubaarak Ibraahim Iidle oo banaanka hore ku sii dilay laba qof oo shacab ahaa, taliska ciidanka Asluubta ayaana ka gaabsaday faahfaahinta baxdaskiisa.

Hoos ka dhageyso wareysi uu siiyey Kulmiye