Axmed Madoobe oo qaliin ku galay Nairobi iyo kulamo caawa ka dhacay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug waxaa caawa ku wada sugan madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed, waxaana goor dhaw u soo dhamaaday kulan ay ku yeesheen xarunta madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Waxaan faahfaahin badan laga helin waxyaabaha ay uga wadahadleen kulankaas, maadaama uu ahaa mid ay albaabadu u xiranyihiin.

Sidoo kale waxaa Dhuusamareeb soo gaaray inta badan xubnaha guddiga farsamada ee ka baaraan degista talooyinka la xiriira hannaanka iyo hab-sami u socodka arrimaha doorashooyinka dalka, kuwaas oo ka socda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Illaa hadda Dhuusamareeb sooma gaarin xubnaha guddigaas ugu jira dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, sidoo kale waxaa dalka ka maqan madaxweynayaasha labadaas dowlad goboleed oo ku kala sugan Jabuuti iyo Kenya.

Madaxweyne Deni ayaa maanta sheegay in safarkiisa Jabuuti uu soo gaban-gabeyn doono, isla markaana uu ka qeyb geli doono shirka wadatashiga ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uga furmaya magaalada Dhuusamareeb.

Dhankiisa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe weli wax war ah oo ku aadan ka qeyb galka shirkaas kama soo bixin, balse warar ee heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu xanuunsan-yahay oo qaliin uu ku galay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Qaliinkaas waxaa la sheegay in madaxweynaha looga sameeyey sinta, isla markaana ay xaaladiisa caafimaad haatan soo hagaageyso, lamana oga in uu kasoo qeyb geli doono shirka Dhuusamareeb iyo in uu wakiillo u soo dirsan doono.