Wararkii ugu dambeeyey Kooxo hubeysan oo gudaha u galay Hotel Elite

Muqdisho (Caasimadda Online) – Weerar ku bilowday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa lagu qaaday Hoteelka Caanka ah ee Elite oo ku yaalla xeebta Liido ee Muqdisho, islamarkaana ka mid ah Hoteellada sida casriga ah loo dhisay.

Kooxo hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabab ayaa gudaha u galay Hotel Elite kadib qarax xooggan oo lala eegtay Hotelka.

Rasaas culus oo ay is dhaafsanayaan ciidamada Dowladda iyo Kooxihii weerarka soo qaaday ayaa laga dhex maqlayaa Hotelka.

Weerarkaas ku bilowday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur Hanti, inkastoo aan weli tiro koob rasmi ah la helin.

Dadka weerarkaan ku dhintay ayaa waxaa kamid ah Agaasimihii Xiriirka Goboladda ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdullaahi Cabdi sida bartiisa Facebook uu ku xaqiijiyey Agaasimaha qorsheynta ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Axmed.

Sidoo kale waxaa dadka ku dhaawacmay kamid ah wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug Axmed Washiton, Sawirqaade Maxamad Caraaye Foorno oo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ka tirsan iyo Fanaanad Faiza Beela oo ka tirsan Kooxda Heegan.

Wasiirka Warfaafinta XFS ayaa ka tacsiyadeeyay geerida agaasimhii xiriirka gobolada ee Wasaaradda & dadkii kale ee ku dhintay weerarkii ka dhacay Liido

Hotel Elite ayaa ah Hotel dhawaan laga furay Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho, waana Hotel ay inta badan ku sugan yihiin xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Weli ma jirto koox sheegatay weerarkaan, sidoo kalana saraakiisha Dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online