CC Shakuur: Safarka Farmaajo ee Dhuusamareeb waa gacmo daalis iyo gar-nacleysi haddii uusan..

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha Xisbiga siyaasadeed ee wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa khudbadii madaxweyne Farmaajo ee golaha shacabka ku tilmaamay mid sii cadeyneysa mowqifkiisa.

Hogaamiyaha wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in Farmaajo uu gabi ahaan inkiray jiritaanka aqalka sare iyo kaalintii dowlad goboleedyada.

Waxaa intaas dheer inuu madaxweynaha ku tilmaamay qof aan sharciga dhawreynin maadaama u aqbalay riditaankii ra’isul wasaarahiisa oo aan dastuurka dalka meelna uga qorneyn.

Halkaan ka akhriso qoraalka hogaamiyaha xisbiga wadajir:

Madaxweyne Farmaajo mowqifkiisa waa sii caddeeyey, safarkiisa Dhuusamarreeb na waa gacmo daalis iyo gar-naclaysi, haddii uusan Golaha Shacabka siraynin, sidii uu horay xukuumadda iyo raysalwasaaraha ugu siray in awoodda iyo talada iyagu leeyihiin.

Farmaajo wuxuu inkiray jiritaanka Aqalkii sare, kaalintii ay wakiilka kaga ahaayeen Dowlad Goboleedyadana wuxuu siiyey Golaha Shacabka. Wuxuu sidoo kale ku xadgudbay awood qaybsigii siyaasadeed, kaddib markii uu diiday in uu magacaabo Raysalwasare soo dhisa xukuumad xilliga kala guurka hoggaamisa. Hadalkiisana wuxuu ahaa aniga ayaa labadiiba isku ah.

Madaxweyne Farmaajo nin dhowraya heshiis lala galay maaha, sababtoo markii ay Dhuusamarreeb 2 soo dhammaatay wuxuu riday Raysalwasaarihiisii, nin Dastuur iyo sharci tixgeliyana maaha, sababtoo ah wuxuu oggolaaday sharci darradii lagu riday xukuumadda, isagoo magacaabay raysalwsaare xil sii hayn ah oo aan Dastuurka meelna kaga dhignayn.

Farmaajo shirka Dhuusmarreeb inta uusan furmin ayuu irdaha u soo xiray, cid walbana way ogtahay in Golaha Shacabka uusan yeeli doonin waxaan muddo kororsi ahayn. Haddaba sida keli ah ee heshiis looga gaari karo doorasho la isla ogol yahay, xiligeedana ku dhacda, waa in la helo Xukuumad la aamino iyo dammaanad qaad caalami ah oo la isku haleyn karo.

Waxaase muuqata in madaxwyne Farmaajo uusan weli waano qaadan, kuna kedsoon yahay, dulqaadka dadka oo uu doqonnimo iyo tabar la’aan mooday iyo qar iska tuurnimo in badan u soo shaqeysay. Ma jirto meelo badan uu ku sii dhuunto, maalmihiisuna way tirsan yihiin.