Aqri: DP World oo markii u horreysay shaacisay sirta shaqo ee dekada Berbera

Berbera (Caasimada Online) – Maamulka Shirkadda DP world ee dhawaan la wareegay dekedda Berbera, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay isbedelka laga dareemayo Dekkada Berbera.

Maamulka oo isbedelka Dekadda la wadaagay Wargeyska World street journal, ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa dekedda uu iminka kordhay 20%, markii la barbar dhigo shaqooyinkii hore ee ka socday Dekadda.

Maamulka Shirkada ayaa Wargeyska u sheegay in Dekadda Berbera ay ka howlgaliyeen Qalab casri ah oo laga keenay dalka Imaaraadka kuwaa oo qaabilsan dajinta iyo rarista Maraakiibta kusoo xirta Berbera.

Agaasimaha fulinta ee dekedda Berbera ee shirkadda DP world Mr. Supachai Wattanaveerachai oo u waramaayay Wargeyska ayaa yiri ‘’Xaqiiqdii waxaan shaki noogu jirin inuu sii kordhaayo isbedelka ka socda Dekadda Berbera, qorshaheenu waa inaan la imaanaa isbedel cusub’’

Mr Supachai Wattanaveerachai ayaa intaa raaciyay in balaarinta iyo casriyaynta dekedda Berbera ay qayb ka tahay istaraatajiyad la doonayo in lagu hanto gobalka Geeska Afrika iyo meelo kaleba.

Qorshaha ugu weyn ayuu sheegay inuu yahay si gacan looga geysan lahaa ganacsiga iyo kor u kaca dhaqaalaha dalalka deriska sida Ethiopia iyo guud ahaan wadamada kale ee bariga Afrika.

Sidoo kale, Agaasimaha shirkada u qaabilsan Dekadda Berbera ayaa Wargeyska World street journal u sheegay in howlgalinta Dekadda laga dareemayo xitaa hoos u dhac ku imaaday qiimaha la kala iibsan jiray maciishada iyo Ganacsiyada kale.

Si kastaba ha ahaatee, Shirkadda DP world ayaan u joojin digniinada iyo Khilaafka Imaaraadka kala dhexeeya Somalia kaa oo ka dhashay Heshiiska Dekadda Berbera oo lagu tilmaamay mid aan xalaal aheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com