Faysal Cali Waraabe oo ka jawaabay hanjabaad dil oo uga timid PUNTLAND

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa si kulul uga hadlay Hanjabaad uu sheegay inay kaga imaaday Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland.

Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in Xildhibaankaasi uu ugu soo hanjabay inuu dilaayo meel waliba oo uu ku arko, hase ahaatee waxa uu dhankiisa ka sheegay inaanu u geysan Karin “Cijo foodeed”.

Faysal Cali Waraabe, waxa uu tilmaamay in Xildhibaankaasi xitaa uu shacabka Puntland faray inay Khaarijiyaan halka ay ku arkaan, balse waxa uu Guddoomiye Faysal arrinkaasi ku tilmaamay mid aan laga fiirsan.

Waxa uu yiri “Inankaas yari wuu iska hadlay, muxuu I yeeli karaa, waxba ima yeeli karo, waxbana igama qaadi karo, wuu iska hadlay, waxaanu muujiyey garadkiisa, ee aniga alle ayaa qoray wakhtiga aan dhimanayo, wakhtigaygana kama horeeynayo, kama dambaynayo,ee inankan yar ee aniga ii soo hanjabaya waxaan leeyahay adeer waxba ima yeeli kartid, ee naxliga iyo xumaanta iska daa”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaa raaciyay “Waxa uu isku khalday Somaliland iyo Puntland, waxaanu u sheegayaa inuu ka fiirsado hadalada khatarta u keeni kara ee uu ka sheegayo warbaahinta”

“Adeer waxaa ku leeyahay halka aad dadka ku disho ayaa kaa luntay, anigu waxaan filayaa inaad igu khaldantay ee yuusan hadal kaa tagin’’ ayuu yiri

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe, ayaa maamulka Puntland uga digay inay ku dhiiradaan ku nagaanshiyaha deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Dhinaca kale, hanjabaada loo jeediyay Faysal Cali Waraabe,ayaa kusoo beegmeysa xili maamulada Puntland iyo Somaliland ay hawada isu marinayaan Hanjabaado ka dhashay dagaalka ka taagan deegaanka Tukaraq.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com