Aqri liiska sida ay BEELAHA u kala heli doonaan xildhibaanada, haddii degmo wax lagu qeybsado

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya wax aa ka taagan khilaaf ku saabsan in xildhibaanada Soomaaliya ee 2016-ka lagu soo xulo hab qabiil ama hab degmo.

Maamulada Jubaland iyo Puntland oo ay wehliso beesha Mudulood ayaa raba in hab degmo wax lagu qeybsado, sidaas oo ay ka arkaan dantooda.

Galmudug iyo Koonur Galbeed ayaa iyagana qaba in wax lagu qeybsado 4.5, oo ah habka iminka wax lagu qeybsado, taasi oo afar beel siineysaa tiro xildhibaan oo isku mid ah, midna siineysa bar.

Haddaba Caasimada Online ayaa isku dayday inay ogaato sida xildhibaanada loo kala qaadan karo hadidi degmo lagu qeybsado. Waxaan ku salleynay 92-kii degmo ee jiray intii aysan dhicin dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

Waxaa xusid mudan inay jiraan beelo weli diidan aqoonsiga degmooyinka qaar ayaga oo ku doodaya in beelo gaar ah loogu daneeyey, dowladdii sameysayna (Maxamed Siyaad Barre) ay ahayd mid sharci darro ah oo shacabka aanu dooran.

Shaxdan ay sameysay Caasimada Online waa qiyaas un, mana ahan tan saxda, waxaa sidoo kale suurta gal ah inaan qaladnay degmooyinka qaar, balse waxaan isku daynay sida ugu dhow, anaga oo eegeyna sida loogu kala badan yahay degmooyinka.

Haddaba sidan ayay noqotay shaxda.

[su_document url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/12/Awood-Qeybsida.pdf” width=”1180″ height=”1600″]