Daawo Sawirrada burburka qaraxii MUQDISHO.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu danbeeyay ee laga helaayo Qaraxii maanta ka dhacay Nawaaxiga Shineemo Somalia ee u dhow wadada Makka Al-Mukarrama, ayaa la sheegayaa in Khasaaraha Qaraxaasi ka dhashay uu sii kordhay.

Dadka ku dhintay Qaraxaasi ayaa iminka gaaraya ilaa 8 ruux oo u badnaa dad shacab ah oo xiligaasi kasoo rawaxay magareeshinka, halka dhaawacana uu gaarsiisan yahay ilaa 19 ruux.

Saraakiisha Caafimaadka Isbitaalada Darushifa iyo Madiina ayaa sheegay in 13 kamid ah dhaawacyadooda ay halis yihiin, halka tirada soo hartayna ay yihiin kuwo qaarkood laga saaray Isbitaalada kuwaasi oo qabay dhaawac fudud.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha Saldhiga Degmada Waaberi Cali Muuse iyo 4 ka mid ahaa ilaaladiisa.

Dadka dhaawac uu soo gaaray ayaa waxaa kamid ahaa Shaqaale ka howlgali jiray Carwo Al-Kowthar oo ku taalla meesha ay musiibadu ka dhacday.

Qaraxa ayaa lala damacsanaa Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfow oo lagu weeraray isla wadada Makka Al-Mukarrama, waxa uuna ujeedku ahaa in goortii uu kasoo baxsado weerarka lala eegto Qaraxa hayeeshee waxa uu ka badbaaday Qaraxii lala damacsanaa.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
sawir 1

sawir 2

sawir 3

sawir 4

sawir 5

sawir 6

sawir 7

sawir 8