Xog: Xasan Sheekh oo kala garan la’ xilka uu DF u hayo iyo shaqooyinka Odowaa oo hakat galay

Muqdisho (Casimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa lagu eedeeyay in bilihii ugu danbeeyay uu qabto Howlihii khuseeyay wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Somalia C/raxmaan Maxamed Xusseen (Odawaa).

Xassan Sheekh oo gacanta kula jiro shaqooyinka Wasiirka, ayaa waxa ay arrintaasi soo dadajisay in dib u dhac xoogan uu ku imaado shaqooyinka wasaarada arrimaha gudaha, waxa uuna sidoo kale Xassan Sheekh iminka ka shaqeeyaa shaqooyinkii loogu tallo Odawaa.

Ilo ku dhow dhow Madaxweyne Xassan ayaa sheegay in Shirarkii ugu danbeeyay ee mudooyinkaani ka dhacaayay magaalada Muqdisho uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha islamarkaana uu isaga qoondeeyay goobaha la kala dajin lahaa wafdiga ka kala socday Gobolada dalka taasi oo Wasiir Odawaa ku riday niyad jab ballaaran.

Ilo wareedka ayaa sidoo kale sheegay in dhamaan magacaabida iyo xil ka qaadista mas’uuliyiinta wasaarada arrimaha Gudaha uu fuliyo madaxweyne Xassan, halka C/raxmaan Odawaa uu isaguna ka yahay goobjoog lagu marqaati furaayo howlahaasi ee uu qabtay Xassan Sheekh.

Odawaa ayaa Seddexdii bil ee ugu danbeysay muujinaayay habacsanaan dhanka howshiisa ah, taasi oo sabab looga dhigay inaan loo madax-baneyn howlihii khuseeyay ee wasaaradiisa.

Sidoo kale, mid kamid ah Mas’uuliyiinta ka howlgasha wasaarada oo cabsi jirta awgeed uga gaabsaday isticmaalka magaciisa ayaa sheegay in wasiir Odawaa uusan iminka ka howlgalin xafiiskiisa, waxa uuna sheegay in warqadaha qaar ay u qaadan Villa Somalia.

Wuxuu sheegay in gaabis badan uu ka jiro dhanka wasaarada arrimaha Gudaha waxa uuna taasi u sababeeyay madax-banaanida wasiirka oo aan jirin, islamarkaana uu u arko in madaxweyne Xassan Sheekh uu si KMG ah xilkaasi ugu shaqeeyo.

Arrintaani ayaa walaac ku abuurtay shaqaalaha ka howlgala wasaarada, waxa ayna dadku inta badan garan la’ yihiin halka ay cilada ka taagan tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com