Qarax ka dhacay Xamar oo gudoomiyihii gobol…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama gaar ahaan agagaarka Carwo ku taala waddada dhinaceeda.

Qaraxa ka sokow ayaa waxaa dhaawac loo geystay gudoomiyaha gobolka Galgaduud ee dowlada Soomaaliya Xuseen Wehliye Cirfo kaasi oo lagu horgooyay gaari kale kadibna la rasaaseeyay.

Kooxdii weerarkaasi geystay ayaa ka baxsaday halka falka ay ka geysteen, waxaana la sheegay iney u carareen dhanka wadada shaqaalaha ee magaalada Muqisho.

Dhinaca kale qarax ka dhacay wadada Maka Al-mukarama ayaa Inta la xaqiijiyay afar ruux oo  rayid ah waxyeelo kasoo gaartay qaraxa ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qaarkood qaba dhaawacyo daran.

Gudoomiyaha gobolka Galgaduud ayaa la sheegay inuu deganaa meel aan ka fogeyn halka weerarka uu ka dhacay, waxaase dhaawaciisa la dhigay xarumaha caafimaad ee magaalada Muqdisho.

Laamaha amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa xiray isku socodka ee wadada markii qaraxa uu dhacay, laakiin markii dambe ayay dib u fureen isticmaalka wadada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com