Dowladda oo qabatay ninkii dilay gabar caan ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Soomaaliya ayaa ku shaacisay iney qabteen shaqsi la sheegay inuu abaabulay dilkii loo geystay wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo seddexdii bishan December lagu dilay qarax gaarigeeda loogu xiray.

Cabdulaahi Colaad Rooble, wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ku guuleysatay gacan ku dhigada shaqsiyaaskii ka dambeeyay dilka wariye Hindiya Xaaji oo kamid aheyd shaqaalaha warfaafinta Soomaaliya.

Wasiirka wuxuu sheegay in baaritaan dheer kadib lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo shaqsiyaad si weyn loogu tuhmayo inuu lahaa abaabulka iyo fikrada lagu qaarijiyay wariye Hindia Xaaji Maxamed.

“Waxaan indiin xaqiijinayaa in laamaha amaanka dadaal dheer kadib ku guuleysteen iney gacanta kusoo dhigaan shaqsigii  ka dambeeyay dilka Hindiya, laamaha amaanka ayaa baaritaan ku wadda waana idiin soo bandhigaynaa Insha allah”ayuu yiri wasiirka.

Arinta ayaa kusoo aadeysa iyadoo ciidamada amaanka ay labadii habeen ee lasoo dhaafay baaritaano ka wadeen magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com