Wasiir ka hor timid ficillada dowladda SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Sahra Cali Samatar oo ah Wasiirka Wasaaradda Haweenka , Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka oo la hadleysay warbaahinta maxaliga ah ayaa ka hortimid in DFS ay shaqaalo ahaan u adeegsato carruurta ku nool magaalada Muqdisho.

Sahra waxa ay sheegtay in marnaba aysan Dowladu ka aqbali doonin in Carruur ku dhibaateysan muqdisho ay u qaadato Askarnimo amaba ay ka diiwaan galiso goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Dowlada.

Waxa ay sheegtay in wasaaradu ay isha ku heyso laamaha amaanka ee aan ka fiirsan cida ay Askarnimada u qaadaneyso waxa ayna tibaaxday in suuragal aysan aheyn in wasiir ka tirsan DFS uu carruurtiisa askareeyo si taa lamid ahna ay uga soo horjeedan in Dowladu ay qoroto carruur yar.

Sahra Cali ayaa intaas ku dartay in dambi weyn ay tahay askareynta Caruurta ,islamarkaana ay Mas’uuliyad ka saarantahay dhamaan Hay’adaha dowladda in arrintaan ay ka hortagaan.

”Wasaaradu diiday in Carruur laga dhigo askar, haddii Hay’adaha amaanka ay taasi ku taamayeen anagu raali kama noqon doono in carruurteena la askareeyo. waayo wasaaradu waxa ay daryeel u tahay haweenka iyo carruurta”

Go’aanka ay Wasiir Sahra ku qaadacday askareynta Carruurta ayaa kusoo beegmaaya xili inta badan laamaha amaanka ay diiwaan galiyaan carruur ka yar 20 sano, kuwaasi oo jahwareer kala kulma xiliyada dagaalka iyo howlgalada ay ku howlan yihiin ciidamada Dowlada.

Dhanka kale, Somalia ayaa afafka hore kaga jirta wadamada carruurta u qaata askareynta waxa ayna taasi walaac gaar ah ku abuurtay dalalka saaxiibada la ah Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com