Xog cusub: Axmed Madoobe oo Barre Hiiraale u ballan qaaday 3 arrin oo yasmo ah kadib kulan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed maxamed Islaam Madoobe ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho wuxuu si kedis ah mid kamid ah hoteelada Muqdisho ugula kulmay Barre Aadan Shire Hiiraale.

Kulankaasi oo ahaa mid si kedis ah ku dhacay ayaa waxaa madaxweynaha Jubbaland uu Muqdisho ku arkay Barre Hiiraale oo muddo badan dadaal uu kala dhaxeeyay Jubbaland, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo kulankaasi ku saabsan.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa iney ka wada hadleen sidii Barre Hiiraale loo geyn lahaa magaalada Kismaayo ee gbolka Jubbada Hoose, iyadoo la doonayo in laga qeyb geliyo dib u hishiisiin ka furmeysa magaalada Kismaayo.

Wararka aan heleyno ayaa intaasi ku darayo in Barre Hiiraale loo balan qaaday Guri uu ka dago magaalada Kismaayo, ciidamo gaar u ah isaga, dhaqaalo aan wali cadadkiisa aanan helin iyo waxyaabo kale.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in Jubbaland ay arrintaan uga gol leedahay sidii ay meesha uga saari lahayd tabasho fara badan oo ay muujinayaan xubno uu kamid yahay Barre Hiiraale, waxaana la filayaa in Barre Hiiraale uu dhowaan soo gaadho magaalada Kismaayo.

Xubno ku dhow Barre Hiiraale ayaa yasmo ku macneeyey  ballan qaadka hanti ee Axmed Madoobe uu u sameeyey Barre Hiiraale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com