Sawirro: BRITAIN oo war kasoo saartay gabdho Soomaali ah oo si aad ah loo baadi-goobaayay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan Booliska Britain uu shaaciyay inay baadi-goob ugu jiraan Seddex gabdhood oo Soomaali ah ay ayaa waxaa haddana soo baxaayo warar dheeraad ah oo ku saabsan baadi-goobka gabdhahaasi.

Seddexda gabar ee sida aadka ah loo baadi-goobaayay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Fardowsa Xasan, Cabir Saalax iyo Axlaam Saalax, waxa ayna da’doodii u dhexeysaa 13 ilaa 15-sano.

Baaliska ka howlgala waqooyiga magaalladda London, ayaa gabdhahaasi mudooyinkaani la xiriirinaayay inay ku biiren maleeshiyaadka xagjirka ah ee Daacish, balse baaritaano dheer kadib ayaa waxaa suuragashay in Booliska Xaafadda wood green ay gabdhahaasi oo dib laga helay ku wareejiyeen qoysaskooda.

Booliska iyo qoysaska dhalay gabdhahaasi kama aysan bixin wax faafaahin ah, balse waxa saraakiishu ay sheegen in gabdhahaasi ay iminka ku jiraan gacanta qoysaskooda islamarkaana ay dib ula midoobe.

Mid kamid ah hooyooyinka dhalay gabdhahaasi ayaa tiri ”Haa waan helnay gabdhehiinii naga maqnaa, waxaan cadeyneynaa in tuhunka ku jira Booliska uusan waxba ka jirin. waayo gabdhaheenu ma gaarin heer ay ku hamiyaan ku biiritaanka Daacish amaba kooxaha kale ee xagjiriinta ah”

Ma cadda sababta ka danbeysay in gabdhahaasi ay ogaansho la’aan ka baxaan deegaankii ay ka degnaayen London, balse Boolisku waxa uu wali ku adeegayaa in baaritaano lagu sameynaayo sababta ay gabdhahaasi uga dhuunteen qoysaskooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com