Diyaarad lagu arkay waxyaabaha qarxa oo laga…

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad laga leeyahay dalka Faransiiska una socotay magaalada Paris ee caasimada dalkaasi ayaa si qasab ah maanta looga dajiyay magaalada Mombasa ee dalka Kenya, kadib markii lagu arkay waxyaabaha qarxa.

Diyaaradaasi ayaa la arkau in lagu arkay waxyaabaha qarxa gaar ahaan musqusha diyaarada taasi oo sababtay in si deg deg ah looga dajiyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Duuliyaha diyaarada ayaa sheegay in waxyaabaha qarxa ay shaki weyn ka qaadeen, waxaana diyaarada ay kusii jeeday garoonka diyaaradaha ee magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Diyaarada ayaa kasoo duushay dalka Muaritia ee qaarada africa, waxaana laga shakiyay iney saaran yihiin waxyaabaha qarxa, iyadoo kadib si deg deg ah looga dajiyay dalka Kenya.

Waxaa diiyarada saarnaa inka badan 400 oo ruux waxaana nooca lagu sheegay boeing 777.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com