Qarax culus oo maanta gilgilay magaalada Marka

Marko (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta uu magaaladaasi ka dhacay qarax qasaaro geystay oo lala eegtay ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ka dhacay Suuqa lagu iibiyo galeyda oo ku yaala magaalada Marko, waxaana goobta xiligaasi ku sugnaa ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo dhawaan tagay magaalada Marko.

Inta la og yahay Shan qof ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi oo dhamaantood Shacab ahaa,qaraxa kadib ayey Ciidanku fureen Rasaas Xoogan oo muddo hakad gelisay dhaq dhaqaaqa.

Saraakiisha Ciidanka Dawlada Ee kusugan Magaalada Marka oo xiriir lala sameeyey waxay ka gaabsadeen inay wax faah faahin ah ka bixiyaan qaraxaasi iyo xogta ay ka hayaan.

Qaraxa maanta ka sokow waxaa kacsan xaalada magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib dagaalo beeleedyadii dhawaan ka dhacay magaalada Marko.

Caasimada Online
Xafiiska Sh.Hoose
Caasimada@live.com