Xog: Go’aankii Xamar lagu gaaray oo la sheegay inuusan Xasan Sheikh lahayn ee ay lahaayeen…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan magaalada Muqdisho lagu soo idleeyay shir looga hadlayay doorashada ka dhaceyso dalka Soomaaliya sanadka soo socdo ayaa arimahaasi waxaa nasiib daro ku tilmaamay siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Jaamac Xasan Khaliif oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay shirarkii maalmahaan ka dhacayay magaalada Muqdisho iyo waxyaabaha kasoo baxay sida looga dhaqan gelin karo gudaha dalka Soomaaliya.

Siyaasiga ayaa nasiib daro ku tilmaamay in mar walbaa loo meereey siyaasiyiinta Soomaaliyeed go’aanka ay qaadanayaan laguna dhisayo dowladnimada Soomaaliya, waxaana arimo aan is qaban karin ku tilmaamay qodob kamid ah todobadii qodob ee shirkii Muqdisho laga soo saaray.

Jaamac Xasan, wuxuu sheegay in xiligan aysan muhiim aheyn in qodobo kaliya la isku raaco, iyadoo madaxda maamul goboleedyada isku arkaan iney yihiin kuwo ka sareeyo baarlamaanka iyo madaxda Soomaalida.

“Waa nasiib daro in xiligan la joogo madaxdeena loo meeriyaa go’aanka ay qaadanayaan go’aankana iyaga kaligood malahan, waxaase kasii daran IGAD iyo wax la mid ah ayaa go’aanka u gaaraya madaxdeena, xitaa maamul goboleedyada ayaa awood isbidaya, weyna adkaan doontaa sidii wadadaasi loo raaci lahaa”ayuu yiri Jaamac Axmed.

Siyaasiga wuxuu ka dalbaday madaxda Soomaaliyeed iney ka fakaraan sidii ay u keeni lahaayeen fikir mideysan oo iyaga leeyihiin kaasi oo lagu hagi karo siyaasada dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com