XOG: Shariif Xasan oo weynaya degmooyin iyo Axmed Madoobe oo ciyaar halis ah la dheelaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaano ka tirsan barlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda gobolka Bakool ayaa shaaciyay iney maamul goboleed gaar ah u dhisayaan magaalooyin ku yaala gobolka Bakool.

Xildhibaan C/ladhiif Sanyare oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya  oo ah xildhibaanada kasoo jeeda Yeed , Ceelbarde iyo Aato ayaa sheegay iney dhisayaan maamul u gaar ah degmooyinkaasi oo hoos imaanaya dowlada Soomaaliya, kaasi oo layaab noqonaya,

Xildhibaanka wuxuu sheegay in bishii October ee sanadkaan ay degmooyinka odayaasha ku dhaqan shaaciyeen ineysan ka tirsan maamulka koofur galbeed, sidaasi daraadeedna ay dhisan doonaan maamul iyaga u gaar ah.

Sanyare, ayaa sheegay in degmada Ceelbarde lagu qaban doono shirweyne gaar ah oo looga arinsanayo sidii maamul gaar ah oo ay u dhan yihiin dhamaan hayadaha dowlada u sameyn doonaan degmooyinkaasi sida uu hadalka u dhigay.

“Cid walba inay meeshaada dhisato oo ay samaysato waxay iyadu u madax banaan tahay Dastuurka Soomaaliya ayaa u oggol, dastuurku wuxuu qabaa in dowlad goboleedku uu ka kooban yahay labo iyo wixii ka badan, balse tuuladii ama degmadii fahmi wayda sida wax u socdaan illaa inta ay ka helayso cid ay wax ku darsato inay gaar isku maamuli karto iyadoo dowladda federaalka ah toos u hoos tagaysa” ayuu yiri Xildhibaan Sanyare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com