Xog: DFS oo 80% ka heleeysa kheyraadka dalka iyo maamullada oo ay gool weyn ay ka dhalisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdishu ayaa waxaa ka socday bilihii la soo dhaafey shirar lagaga hadlayo sidii dowlada Somalia ula wareegi laheyd awooda maamulista khayraadka [ Shidaalka, macdanta] ku jira degaanada hoos taga maamulada ka tirsan Federaalka.

Kulamadaan oo soo marey heerar kala duwan ayaa wararka ay Caasimada Online heleyso sheegayaan in shirkadaha baara shidaalka ku xireen dowlada Federaalka iney heshiis la galaan maamulada Somalia gaar ahaan Puntland si ay u bilaabaan qodista khayraadkaan.

Shirkada Somoil oo baaritaano shidaal ka sameysay qaybo kamid ah badda Somalia ayaa xogtii ay heshay bisha Dec,2015 ku wareejisay wasaarada batroolka federaalka Somalia.

Soma Oil ayaa heshiiska dowlada Somalia horey ula gashey waxaa uu sheegayaa in 60,000km sq laga siiyo dhulka baarista ku sameyso kuwaasoo heshiis wax-soo-saar qaybsi la galeyshey dowlada Federaalka ‘Paroduction sharing agreement’.

Dowlada Federaalka ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Shiikh ayaa si loo sii ambaqaado heshiisyadan islamarkana uga qaataan lacagaha faa’ida qaybsiga ayaa lagu xirey iney heshiis kala yimadaan maamulada Somalia.

Caasimada Online ayaa fahansan in kulan magaalada Muqdishu ka dhacey intii u socdeen kulamadii wadatashiga qaran kaasoo ay ka qayb galeen madaxda dowlada Federalka ah, dowlada Puntland, Jubaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed lagu soo bandhigey shaxda saami qaybsi ee dhexmari karta maamulada iyo Federaalka.

Wasaarada Batroolka oo kulankaas goob joog aheyd ayaa soo bandhigtey qorshe faa’ido qaybsi taasoo noqoneysa in shidaalka laga soo saaro badda dowlada Somalia qaadaneyso 80% faa’ida saami qaybsi ” Production sharing agreemenet” halka dowladaha kamid ah  federaalka helayaan 20%.

Dhinaca kale faa’idada kasoo baxda oo marta dhinaca Somalia ayaa wax soo saarka dhulka waxaa dowlada Federaalka qaadaneysaa 60% halka maamulada qaadanayaan 40%.

Qorshahaan saami qaybsi ayaa wararku sheegayaan in madaxda maamulada saluugeen hab qaybsigaan kuwasoo qaarkood codsadeen in dowlada Federaalka dib ugu noqota boqleyda ay qoondeysay.

Puntland oo horey baaris shidaal uga sameysay dhulka hoos yimaada degaanada ka arimiso ayaa waftiga uu madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas hogaaminayey waxaa caqabad ku noqdey halka ay kamari lahaayeen qodobka 54aad ee Dastuurka mamaulkaas u dagsan.

Qodobkaan ayaa sheegaya in khayraadka dabiiciga ah ee Puntland looga faa’iideeyto si waafaqsan sharciga, halka ogolaansho walba ee lagu sameynayo bixinta kharaadkaan Dastuurka ka aaminsan yahay sidatan;  “Ruqsad kasta oo la xiriirta ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah waxaa bixinteeda soo habaynaaya Golaha Xukuumadda waxaana oggolaanaya Golaha Wakiillada”.

Dhinaca kale shirkad la yirahdo Spectrum ayaa heshiis la gashey dowlada Federaalka Somalia taasoo ku takhasustey ogaanshaha shidaalka badaha ku jira, halka ay qandaraas hoose kula sii gashey in howshaas qabato shirkad kale oo laga leeyahay dalka China BGP ” China National Petroleum Corparation”.

Dhamaan shirkadahan ayaa si ay dakhli lacageed u bixiyaan islamarkana loogu gudbo talaabada xigta ee wax-soo-saar ku xirey madaxda dowlada Federaalka iney la yimadaan heshiiska faa’ido qaybsi iyo ogolaansho laga helo maamulada Somalia.

Warbixintaan ayaa sidoo kale xuseysa in sababaha khasbaya in dowlada Federaalka xooga saarto in xiligaan kala guurka ah raadiso in heshiis la gasho maamulada Somalia tahay baahiyaha lacageed oo ay u qabaan madaxdeedu doorashooyinka sanadka 2016.   

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com