Beel 47 xildhibaan ku heli karta degmooyinka iyo labada BEEL ugu xildhibaanno badnaan doona.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa shalay soo saartay liis qiyaas ah, oo ku saabsan sida ay beelaha Soomaaliyeed u kala heli karaan xildhibaannada 2016-ka, haddii hab degmo wax lagu qeybsado. Halkan ka aqri.

Haddaba waxaan maanta dib ugu laabanay liiskan, si aan u helno beelaha ugu tiro badanaya kuraasta baarlamanka ee sanadda 2016-ka, marka laga soo tago qabiilada kore sida Hawiye iyo Daarood.

Isku darkii aan sameynay waxaa kasoo baxday in beelaha Abgaal iyo Majeerteen ay yihiin beelaha ugu kuraas badanaya baarlamanka Soomaaliya, haddii degmo wax lagu qeybsado.

Beesha Abgaal ayaa waxa ay kuraas ka heleysaa in ka badan 15 degmo oo ka mid ah degmooyinka Soomaaliya, waxaana guud ahaan ay heli kartaaa 47 kursi oo ka mid ah 276-ka kursi, haddii degmo wax lagu qeybiyo.

Beesha Abgaal ayaa laba jibaar ka kuraas badnaan karta beesha labaad ee kusoo xigta oo ah Majeerteen.

Beesha Majeerteen oo inta abdan kuraas ka heleysa saddex gobol oo kala ah Bari, Nugaal iyo Mudug ayaa heli karta 23 kursi, inkasta oo intaas ay ka badsan karto, haddii beelaha la dega ay kuraastooda si sax ah u siin.

FG: Arrintan waxa y dhici kartaa kaliya marka habka degmo noqdo caddaalad, maadaama beelo badan ay ku hoos nool yihiin maamulo ay caddaalad darro ka tirsanayaan, way adag tahay in habka degmo si sax ah wax loogu qeybsado, waana taas sababta loo wada diidan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com