Xog: Xasan Sheikh oo cadeeyay mowqifkiisa 4.5

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, oo khudbad ka jeedinaayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, ayaa sheegay in DFS aysan sahleysan karin ka tanaasulka nidaamka 4.5.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa sheegay in ay Adag tahay in Xiligaan laga gudbo Nidaamka 4.5 Ee Soomaalidu ay wax ku qeybsato,waxaana uu xusay in ay u baahan tahay ka gudbida Arrintaasi in Somalia ay midowdo oo ay Gacmaha is qabsato.

Waxa uu sheegay in marka hore loo baahan yahay in Umadda Soomaaliyeed laga dhex abuuro kalsooni kadibna loo gudo galo isku tanaasul, haddii intaasi aan la helina ay ku adkaaneyso ka gudubka nidaamka 4.5.

Xassan waxa uu sheegay in Somalia ay ahmiyad gaar u leedahay nidaamkaasi, waxa uuna tilmaamay in xaqiiqdii marka laga hadlo aysan fulinkarin ka tanaasulka 4.5.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay ka gudbi karto Hanaanka 4.5 Ee Qabiilka ku saleysan markii Soomaaliya ay israacdo ayuu Xusay in Qabiil wax ku qeybsi laga bixi karo inta ka horeysana ay mudan tahay in nidaamkaasi lagu sii shaqeeyo.

Haddalka Xassan Sheekh ayaa ifafaalo u ah natiijada kasoo bixi doonta shirka la filaayo inuu ka dhaco magaalada Kismaayo, waxaana muuqaneysa in Xassan uu wali kusii adkeysanaayo Nidaamka 4.5.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com