Aqri: Markab dagaal oo uu leeyahay Imaaraadka oo gantaal lagu burburiyay

Sanca (Caasimada Online) – Sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa dalka Yemen waxaa la weeraray Markab dagaal oo ay leedahay dowlada Imaaraadka carabta kaa oo maraayay meel ka baxsan Xeebta magaalladda Xudeydah ee Galbeedka Yemen.

Markabkaani oo nooca dagaalka ah ayaa waxaa weerar xoogan la sheegay inay ku qaaden Maleeshiyadda Xuutiyiinta Yemen ee garabka ka hela dowladda iran.

Xuutiyiinta Yemen, ayaa markabka ku weeraray gantaalo dhowr ah, iyadoo qasdiga weerarka uu ahaa in la gubo gabi ahaan Markabka.

Wargeysyada qaar ayaa qoray in Xuutiyiinta Yemen ay sheegteen inay khasaaro u geysteen Markabka balse aan wali la cayimin tirada Saraakiisha iyo shaqaalaha la socday.

Wargeysyada oo xiganaaya illo wareedyo ayaa sheegay in Markabka uu gaaray khasaaro xoog leh, isla markaana uu gubanaayo.

Saraakiil ka tirsan Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in Markabka uu ka kacay dab ka dhashay Gantaalada ku dhacay, waxa ayna intaa raaciyeen inay la socdeen dhaqdhaqaaqa Markabka.

Saraakiisha Maraykanka ayaa iyagana xaqiijiyay in ay Markabkaasi weerareen Maleeshiyadda Xuutiyiinta, isla markaana uu soo gaaray burbur ballaaran.

Warbaahinta Wararka ee Almasdar News ayaa iyadana qortay inuu Markabkaasi haatan Badda quusay.

Weerarka ay Xuutiyiinta ku weerareen Markabka Dagaalka ee Imaaraadka waxa uu ku soo beegmay, iyadoo 4 Askari oo Imaaraadka u dhashay shalay lagu dilay duleedka magaalladda Xudeydah ee dalka Yemen.

Geesta kale, Dowlada Imaaraadka ayaan weli ka hadal gubashada iyo quuska Markabka sababsaday Gantaalo dhowr ah oo ay ku rideen Xuutiyiinta Yemen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com