Aqri: Muxuu Mareykanka taageerada uga jarayaa milatariga DF Somalia?

Washington DC (Caasimada Online) – Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay jari doonto Kaalmadda la siiyo dalalka Afrikaanka ee dagaalka kula jira Kooxaha ay Reer Galbeedka ugu yeeraan Argagixisadda.

Tallaabadaasi ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay Istaraatijiyadda Difaaca Maraykanka ee cabsida badan uga imaanaya Dowladaha Raashiya iyo Shiinaha.

Milliteriga Maraykanka ee ka jooga Qaaradda Afrika ayaa la kordhiyey, kadib, markii Askartooda joogta dalalka Somalia iyo Nayjar la kulmeen weeraro lagu dilay 6 Askar tan iyo bilowgii sannadkii hore ee 2017-kii.

Maamulka Madaxweyne Donald Trump waxa la filayaa inuu ibedel lagu sameeyo Istaraatijiyadda cusub ee Difaaca Maraykanka, iyadoo la dhimayo Taageeradda Dhaqaale ee Hawlgalladda Maraykanka ee dagaalka ka dhanka ah Kooxaha ay ugu yeeraan Argagixisadda ee ku sugan dalal ku yaalla Qaaradda Afrika.

Miisaaniyadda Hawlgalladda Milliteriga  Maraykanka ka wadaan dalalka ka hooseeya Lama-degaanka Afrika ayuuna saamaynayaa Dhimistaasi, iyadoo miisaaniyad-sannadeedkii 2015-kii ilaa 2018-ka ay Dowladda Maraykanka ku kharaj gareynayso 954 million oo Dollar  Hawlgalladda ay ka wadaan dalka Somalia iyo dalalka ka hosoeeya Lama-degaanka Afrika.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com