Aqriso: 7 qodob oo laga soo saaray shirkii madaxda DF iyo madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ayaa maanta lagu soo geba-gabeeyay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo socday laba maalmood waxaa shir gudoominayay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana looga hadlay arrimaha amniga, xoojinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo u gurmashada dadka ay saameysay abaaraha ka jira ka jira dalka.

Halkaan hoose ka akhriso war-murtiyeedka shirka oo dhameystiran

1. HORDHAC

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulankii labaad ee shirka Golaha Wadatashiga Qaran kaasoo socday muddo laba maalmood ah 11-12 September 2022. Shirka oo ku qabsoomay magaalada Muqdisho waxaa ka soo qayb galay Ra’iisul Wasaaraha

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo isagu kaga qeyb-galay aalladda fogaan aragga. 

2. QODOBADA KA SOO BAXAY KULANKAN GWQ

Labadii maalmood ee shirkan socday waxa ay Madaxwaynaha iyo xubnaha Golaha Wada tashiga Qaranku diirada saareen sidii loo dardargelin lahaa dadaalka lagu samata bixinayo dadka Soomaaliyeed ee ay sida daran u saamayeen abaaruhu, waxaana la isla gorfeeyay arrimha amniga dalka, iyadoo dib loo milicsaday qodobadii kasoo baxay shirkii 12 kii June 2022. 

Gunaanadkii shirka labada maalmood ee Golaha Wadatashiga Qaran ku yeeshay magaalada Muqdisho 11-12 September 2022 waxaa Goluhu isku raacay qodobada soo socda:

1) Ka dib abaarihii oo daba dheeraaday, dagmooyin ka mid ah dalkeenna ayaa galay xaalad adag, hadaba Golaha Wada tashiga Qaranku waxa uu go’aamiyay in dowladdu dardar galiso howlaha lagu badbaadinayo dadka tabaalaysan, waxaana la faray dhammaan hay’adaha ku hawlan gurmadka in ay mideeyaan dadaallada ku wajahan yaraynta saamaynta aabaraha. 

Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay si buuxda is kugu gurmadaan. Sidoo kale, saaxiibada Soomaaliya ayuu Goluhu ugu baaqay in ay laba jibbaaraan taageerada gurmadka abaaraha.

2) Goluhu wuxuu si mug leh u bogaadinayaa howlgalada la-dagaallanka argagixisada ee ka socda dhammaan deegaannada dalka, gaar ahaan kaalinta ay shacabka reer Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ka qaadanayaan la-dagaalanka argagixisada.

3) Goluhu wuxuu ugu baaqayaa deegannada kale ee dalka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, culimaa’udiinka, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka in ay si dhab ah ugu istaagaan dedaalada la-dagaalanka aragagixisada oo ay hormuudka ka yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada qalabka sida. 

4) Goluhu wuxuu isku raacey in la dardargeliyo lagana mira dhaliyo wadahadalada Soomaaliland.

5) Goluhu waxa uu xoojinayaa xiriirka iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda ee labada heer si loo xaqiijiyo kalsooni buuxda iyo natiijooyin wax ku ool u ah dawladnimada.

6) Goluhu wuxuu isku raacay in laga shaqeeyo xaqiijinta xasilooni siyaasadeed oo ku qotanta kalsooni, midnimo, iyo sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka. 

7) Goluhu wuxuu isku raacey in la isugu yimaado shir kale oo lagu lafaguri doono arrimaha hortabinta u leh dowlad dhiska Soomaaliya.

DHAMMAAD