Aqriso: Australia oo baahisay warqad ay qortay gabar Soomaali ah (Arrin xasaasi oo ku qoran).!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Abyan oo ah gabar Soomaaliyeed oo dhawaan lagu kufsaday xero qaxooti oo ku taalla Jesiiradda Nauru ee duleedka dalka Australia ayaa beenisay inay dib uga laabatay go’aankeedii ahaa in laga soo xaaqo carruur ay caloosha ku qaaday.

Qoraal ay Abyan ku beenineyso wararka la xiriira inay ka laabatay go’aanka Carruurta looga soo xaaqayo ayay ku cadeysay in mowqifkeeda uu sidaa ka duwan yahay.

Abyan oo qoraalkaasi gaarsiisay Garyaqaanka u doodayay ayaa waxaa lagu soo daabacay Warbaahinta Australia, waxa ayna ku cadeysay in Dowlada Australia ay si khasab ah u soo masaafurisay maalintii Jimcaha ee la soo dhaafay, iyadoo aan la kulmin Dhakhaatiirta si ay ilmaha uga soo xaaqaan.

Waxa ay tilmaamtay in carruurta ay Caloosha ku sido ka qaaday mooraal jab taasina ay ugu wacan tahay Dowlada Australia oo aan diyaar u aheyn inay xal u raadiso amaba ay aqbasho codsigeeda.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA AY DIRTAY
ABYAN-AUSTRALIA1