XOG: Axmed MADOOBE oo ka carrooday SNTV

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Maxamed Islaam Madoobe, oo maalintii shalay ka qeyb shirka looga hadlayay hiigsiga sanadka 2016, ayaa wuxuu kaga soo horjeestay maalintii shalay in TV-ga Qaranka Soomaaliya goobjoog ka ahaado shirka Muqdisho ka dhacayay.

Axmed Madoobe, ayaa diiday muddo daqiiqado  in TV-ga qaranka uu goobjoog ka ahaado shirka, laakiin markii dambe waxaa arimahaasi ka qanciyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh.

Waxyaabaha uu Axmed Madoobe ku diidanaa Tv-ga qaranka Sooomaaliya ayaa lagu sheegay iney aheyd in baahinta war lidi ku ahaa maamulka Jubbaland, sida xogta aan ku helnay.

Ugu dambeyn ayaa waxaa loo yeeray agaaasimaha TV-ga Qaranka Soomaaliya Al-cadaala waxaana laga qanciyay Axmed Madoobe tabashadii uu qabay.

Shirka ayaa maalintii shalay lagu balansanaa inuu ka furmo Muqdisho 09:00 am laakiin wuxuu furmay seddex saac kadib waqtigii la balansanaa, iyadoo lagu mashquulay qancinta Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com