Baarlamanka oo xeer xasaasi ah ka soo saaray heshiiska BADDA ee Muuse Biixi iyo Abiy

Muqdisho (Caasimada Online) –Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xeer ka soo saaray heshiiskii ay shalay Addis Ababa ku galeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kaas oo lagu bixiyey qeybo ka mid ah badda Soomaaliya.

Kulan aan caadi aheyn oo maanta ay yeesheen Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa isugu yeeray Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, sida ku cad dastuurka dalka.

Hadal-jeedintii Madaxweynaha kadib, Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dood adag ka yeeshay ‘heshiis ku sheega dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliland iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia.’

“Xildhibaannada labada aqal ayaa sheegay in marnaba la aqbali doonin heshiiskaas, iyadoona Baarlamaanka uu maanta soo saaray Xeer ku saabsan burinta is afgarad beenaadka shalay lagu gaaray Addis Abbaba’ kaas oo ay si wadajir u saxiixeen Soomaaliland iyo Maamulka Abiy Ahmed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay BFS.

Baarlamaanka ayaa cadeeyey inay lama taabtaan tahay biyaha iyo dhulka Soomaaliya, lana ilaaliyo nidaamka dunida u degsan iyo kan Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, IGAD iyo kan Soomaaliya.

Baarlamaanka labadiis aqal ayaa si wadajir ah u ansixiyay xeerka maanta uu soo saaray Baarlamaanka JFS.

Kulanka waxaa shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehlinayey Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Ku-xigeennada Labada Aqal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo khudbad ka jeediyay kulanka Labada Aqal  ayaa sheegay in ajandaha maanta uu yahay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka taagan tahay ilaalinta midnimadeeda dhuleed iyo ka dooddida masiirka dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa sheegay wixii Addis Ababa ka dhacay ay ka soo hor jeedo qaanuunka caalamiga ah, xeerarka Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta iyo xeerka Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyay kulanka maanta ayaa Dowladda Itoobiya ka dalbaday inay ilaaliso midnimada Soomaaliya, wuxuu uga digay in marnaba ay ku soo xadgudbin xuduuda iyo qaanuunka u yaala dalalka aduunka, Urur goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika, isagoona sheegay in taako ka mid dhulka Soomaaliya aan la bixi karin.