Aqriso: Jadwalka cusub ee imtixaanka shahaadiga ee DF oo shaaca laga qaaday

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay Jadwalka cusub ee Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada sare ee dalka.

Imtixaanka sanad dugsiyeedka 2018-2019 ayaa waxaa uu bilaaban doonaa Maalin Isniin ah oo Taariikhdu tahay 27-ka Bisha May ee 2019,isla markaana Imtixaankan ayaa waxaa uu yahay mid ku celis ah,kadib markii uu fashilmay midkii horey loo qaaday.

Wasiirka  Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa horey u kansalay Imtixaankii ay ardayda galeen muddo 3 Maalin ah kadib markii la faafiyey qishka dhammaan maadooyinka ay soo diyaarisay Wasaaradda.

Ardayda imtixaanka gashay oo ka careysay hadalkii Wasiirka ayaa dibad baxyo rabshado wato ka sameeyey Muqdisho iyo qeybo kamid ah Gobolada dalka waxayna dalbeyn in xilka laga qaado Wasiir Gooddax.

Sidoo kale maamul Goboleedyada qaar ayaa dood ka keenay imtixaanka Dowladda ee la kansalay, waxayna sheegeyn inay iyaga diyaarsan doonaan imtixaanka dugsiyada, waxaana maamuladaas kamid ah Hirshabelle inkastoo wafdi ay hoggamaaminayeen Wasiirka Waxbarashada iyo midka Amniga ay gaareen halkaas si loo xaliyo Khilaafka.

Jadwalkaas cusub oo ay soo saartay Wasaaradda ayaa muujinayo in la xaliyey Maamul Goboleedyadii dooda qabay marka laga reebo Puntland oo markii hore diiday haddana uu u socdo imtixaan uu maamulkaas usoo diyaariyey ardayda deegaanada Puntland.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso jadawalka cusub:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com