Goodax: “Imtixaanka waxaa laga bixiyey GALMUDUG waana arrin siyaasadeysan”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdullaahi Goodax Barre oo ah Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay si cad u faahfaahiyey sababihii keenay inuu baxo Imtixaankii Dugsiyada oo ay Wasaaradda qaadeysay.

Goodax Barre ayaa sheegay in Imtixaanka ay ku bixiyeen juhdi farabadan inuusan banaanka u bixin isla markaasna ay Kaamirooyin ku xireyn halkii lagu daabacayey sidoo kalana ay meel kasta oo la  geynayo  ay Mas’uul ka ahaayeen Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay inuu Imtixaankaas ka baxay Xarunta Balanballe, wuxuuna sheegay in faahfaahinta arrintaas laga sugayo Ciidamada Booliska oo hadda ku guda jiro Baaritaano dheeri ah.

Wasiirka ayaa sheegay in ninka Imtixaanka bixiyey uu horey ula shaqeyn jiray Wasaaradda isla markaasna uu ahaa nin lagu kalsoon yahay balse wuxuu sheegay inay arrintaan tahay mid la xiriirta dhanka Siyaasadda.

Sidda uu sheegay Booliska, Imtixaanka waxaa sanadkan laga dusiyey magaaladda Balanballe ee hoostagta maamul goboleedka Galmudug.

Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay Jamaaludiin Axmed Xirsi, oo 29-sano jir ah, uu maamulka kala kulmay “cadaadis dhaqaale iyo mid siyaasadeed”.

“Waan ka soconayaa colaado siyaasadeed ee dalkeena ka jira. Marka, waxaan u arkaan in tani ay tahay mid siyaasadeysan. Ninka lasoo xiray oo aan aad ugu kalsooneen, waxaan aaminsanahay in cadaadis dhaqaale iyo mid kale uu kala kulmay maamulka, inkasta oo aan jeclayn in aan ka hordhaco baaritaanka hay’addaha amaanka,” ayuu Goodax Barre u sheegay Barnaamijka Wacitaanka Dhageysataha ee VOA-da.

Waxaa jiro Khilaaf xoog leh oo u dhaxeeyo Maamulka Galmudug iyo Dowladda Dhexe, wuxuuna Khilaafkaan taagnaa muddo badan.

Goodax Barre si cad uma sheegin siyaasadda ka dambeyso bixinta Imtixaanka iyo inay xiriir la leedahay Khilaafka ka dhaxeeyo Dowladda iyo Maamulka Galmudug.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa shaaciyey in Imtixaanka cusub uu qabsoomayo waqtigii loo mudeeyay oo ah 27-da bishaan illaa iyo 31-da.

Hoos ka dhageyso codka Goodax

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com