Doorashada Soomaaliya ee sanadka 2020- ‘waa laga qaban doonaa Somaliland’

Muqdisho (Caasimada Online) ― Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay warbixin ka dhageystay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ay hogaamineeysay Guddomiyaha Guddiga Marwo Xaliimo Ismaciil Ibraahim.

Guddiga ayaa Golaha Aqalka Sare uga warbixiyay heerka ay marayaan hawlaha Guddiga ee u diyaar-garoowga doorashooyinka 2020-ka iyo waxyaabaha u baahan in madaxda Qaranka ee heer Federal, Xildhibaanaada si dalka ugu dhacdo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020.

Senatoorada Aqalka Sare ayaa su’aalo ka weydiiyey Guddigan warbixinta ay jeediyeen, waxayna Xaliimo yarey ay sheegtay inay Somaliland ka qabsoomeyso doorashada 2020-ka, oo ay kamid tahay gobolada dalka ee doorashadaasi ka dhaceyso.

“Waxa laga codeynaya meel alaala, meeshii la tagi karo oo cod laga bixin karo, markaa Somaliland-na wey galeysa qodobkaas, Soomaaliya oo dhana waxa laga dhigay hal meel, qabiilo lama dooranayo, qof degmo ka socdana lama dooranayo” ayey tiri Xaliimo yarey.

Waxayna intaas kusii dartay “Waxa la dooranaya xisbi, xisbigaasna wuxuu ka furanyahay sagaal gobol oo Soomaaliya kamid ah, ha ahaato Somaliland ama ha ahaato Somalida kale”.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Xaliimo yarey ayaa sidoo kale sheegtay inuusan jiri doonin Doorashada soo socota Xildhibaan ay beeshiisa soo dooran doonto, balse la rabo inuu ka diiwaan gashan yahay Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira, haddii uusan ku jirin Xisbina ay dhici doonto inuusan u tartami karin Xildhibaannimo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com