Aqriso: Khudbada uu Xamza ka jeediyay kalfadhiga QM iyo arrimaha uga hadlay

New York (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ka qayb-galay kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka socda magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa khudbad uu ka jeediyey kulanka lagu gorfeynayey hiigsiga yoolasha horumarka waara ayaa wuxuu kaga warramay isbeddelada amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka ku tillaabsanayo.

Mudane Xamza ayaa kulanka warbixin ka siiyey dadaallada lagu hiigsanayo yoolasha horumarka waara ee Soomaaliya ka socda iyo sida ay dowladda uga go’an tahay in dalka lagu soo dabbaalo amni, xasillooni iyo baraare loo aayo, tiiyoo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin saboolnimo, colaad iyo daruufo kale oo ka dhashay isbedelka cimilada oo ku gudban in sidii la rabay looga libkeeno yoolasha qaarkood.

Wuxuu sheegay in xukuumadda federaallka Soomaaliya ay qorshaha horumarinta qaranka (NDP9) ku jaangoysey yoolasha horumarka waara ee QM.

Sidoo kale wuxuu si gaar ah u xusay in laga soo billaabo 2017-kii lagu guuleystey in hoos loo dhigo heerka saboolnimada 15%, sidoo kalena la yareeyey umul-raacashada haweenka 43%, halka heerka wax akhristaka haweenka da’doodu u dhexeyso 15-24 sare loo qaaday 12.4%.

Ra’isul Wasaaraha ayaa mar uu ka hadlayey tallaabooyin u qorsheysan dowladda, si loo gaaro yoolasha horumarka waara, wuxuu daaha ka rogey qorsheyaal lagu kobcinayo karaanka dadweynaha, sida maalgashi lagu sameeyo tayada waxbarashada, baahinta fursadaha waxbarashada dalka, hoos u dhigista wax qoris iyo akhiris la’aanta iyo abuurista dugsiyo farsamada gacanta ah.

Wuxuu intaas ku daray in dowladdu mudnaan gaar ah siineyso taabba-gelinta hannaan lagu kobcinayo wax soo-saarka beeraha dalka, iyada oo la adeegsanayo farsamooyin casri ah oo wax ka taraya beeqaaminta biyaha iyo waraabka, si looga gaashaanto saameynta daran ee ka dhalata isbeddelka cimilada oo Soomaaliya u nugushahay.

Si taas loo suurtogeliyana, ra’iisul wasaaruhu wuxuu tibaaxay in Soomaaliya ay firfircoon qaadaneyso dadaallada caalamiga ah ee lagu hiigsanayo yoolasha horumarka waara.

Dhanka horumarinta xaquuqda aadanahana, ra’iisul wasaaraha wuxuu hoosta ka xarriiqay in xukuumaddiisu dardar-gelineyso ciribtirka cunfiga iyo xadgudubyada ka dhanka ah haweenka Soomaaliyeed, isaga oo ballanqaaday in la xaqiijinayo sidii haweenku uga dhex muuqan lahaayeen hoggaanka dalka.