Aqriso Magacyada: Cabdi Xaashi oo Rooble u gudbiyey xubnaha guddiga doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sarre, Cabdi Xaashi ayaa ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta u gudbiyey xubnihii laga sugayay ee guddiyada doorashooyinka.

Sida uu shaaciyey xafiiska ra’iisal wasaaraha, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa magacaabay lix xubnood, kuwaasi oo uu si rasmi ah ugu gudbiyey ra’iisal wasaaraha, si qeyb uga noqdaan guddiga doorashooyinka.

Xubnaha guddiyada doorashooyinka kuraasta Somaliland ee uu soo magacaabay guddoomiyaha aqalka sarre ayaa imanaya kadib heshiiskii si siman loogu kala qeybiyay xubnaha guddiga isaga iyo Mahdi Guuleed.

Hoos ka aqriso xubnaha uu magacaabay Guddoomiye Cabdi Xaashi ee uu u gudbiyey Rooble.

1. Cabdishakuur Daa’uud Maxamed – FEIT
2. Maxamed Ciise Heybe. Xallinta Khilaafaadka
3. Suleymaan Caydiid Cismaan – SEIT
4. Cabdishakuur Abiib Xayir – SEIT
5. Maxamed Cali Cabdillaahi – SEIT
6. Jaamac Cumar Cali – SEIT

Magacaabista Cabdi Xaashi ayaa imaneysa, xili uu xalay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe uu ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta isagna u gudbiyay xubnaha maamulka Jubbaland uga mid noqonaya guddiyada doorashooyinka heer federaal, heer dowlad-goboleed iyo xallinta khilaafaadka.

Axmed Madoobe ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay 12-qof oo guddiyada doorashada ku meteli doona Jubbaland, kuwaas oo uu sheegay inuu magacaabistooda u cuskaday la tashiyo uu sameeyey iyo fulinta heshiiskii 17-kii September.

Cabdi Xaashi iyo Axmed Madoobe ayaa noqonaya mas’uuliyiintii u horeeyay ee qaada tallaabo lagu fulinayo heshiiskii maalmo ka hor lagu kala saxiixday magaalada Muqdisho, kaas oo meesha ka saaray mad-madowgii ragaadiyey hir-gelinta doorashooyinka Soomaaliya.