Netanyahu oo maanta xilkiisa weyn kara – Yaa beddelaya?

Tel Aviv (Caasimada Online) – Kooxo aragtiyo kala duwan oo ka mida siyaasiyiinta xisbiyada siyaasadda Israel ayaa isku dayaaya inay xilka ka qaadaan ra’isul wasaaraha mudada dalkaas soo maamulaayey ee Benjamin Netanyahu.

Isbaheysigan ayaa waxa ay heystaan illaa iyo dhammaadka maanta inay heshiis gaaraan si loo soo dhiso dowlad wadaag ah, oo soo geba-gebeyn karta xukunka Netanyahu.

Dadaalkan ayaa waxaa hoggaaminaya madaxa xisbiga Yesh Atid, Yair Lapid.

Madaxweynaha Israel Reuven Rivlin ayaa siiyey Lapid fursad uu isugu keeno isbaheysiga xisbiyada ee ku guuleystey inta badan kuraasida baarlamanka ee 120-ka ah, taasi oo uu ku guuldareystey Natenyahu, horaantii bishii May.

Lapid ayaa heley taageero Axadii markii Naftali Bennett oo hogaamiya xisbiga xagjirka ah ee Yamina uu sheegey inuu ku biiri doono isbaheysigan.

Heshiiskan ayaa keeni doonaa haddii la isku raaco in Bennet uu noqdo ra’isul wasaraha Israel labada sano ee soo socota, kahor inta uusan la wareegin Lapid xilkaasi.

Israel ayaa ku jirtey xasarad siyaasadeed mudo laba sano ah iyadoo mudadaasi gudeheedana laga qabtey afar doorasho, kadib markii xisbina uu heli waayey aqlabiyad.

VOA