Xog: R/W Rooble oo berri u baxaya safar gudaha dalka ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah uu safar ugu ambabaxayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle, Sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka tirsan xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Rooble iyo wafdi uu horkacayo ayaa sida uu qorshuhu yahay Khamiista ka degi doona Jowhar, xili uu maanta kasii horeeyay madaxweynaha maamulka HirShabeelle oo toddobaadyadii u dambeeyay magaalada Muqdisho u joogey shirkii golaha wada-tashiga doorashooyinka.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa marka uu gaaro magaalada Jowhar u kuur-gali doona xaalada magaalada oo muddooyinkii dambe ku jirtay go’doon ka dhashay daadadka fatahaada Wabiga Shabelle.

Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle ayaa lagu soo warramayaa inay wajaheyso xaalad adag, kadib markii markii bartanka bishii May ku fatahay Wabiga Shabelle oo kar-kaaraha jabsaday.

Magaalada oo dhan ayaa go’doon u galay fatahaadaha waxaana go’ay jidadkii magaalada, kuwaas oo sababay inay istaagaan isku socdka gaadiidka isaga kala goosha halkaasi.

Sidoo kale waxaa gabi ahaan xirmay garoonka diyaaradaha Jowhar, iyada oo haatan kaliya la adeegsanayo doono, si gudaha loogu galo magaaladaasi, inkasta oo si kumeel gaar ah loo macmalay.

HirShabelle ayaa la taacaleysa xaalad adag oo ka dhalatay fatahaadda Wabiga Shabelle oo marar badan kusoo noq-noqotay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana xiligaan socda dadaalo lagu samato bixinayo.