Baabuur uu la socday Xasan Sheekh oo la rasaaseeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Kolonyo Gaadiid ah oo uu la socday madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhoweyd lagu rasaaseeyay magaalada Muqdisho.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynihii hore ee dalka ayaa lagu rasaaseeyay bar ay ciidamada dowladda ku leeyihiin agagaarka xarunta Maxkamadda gobolka Benaadir ee degmada Xamar Weyne.

Kolonyada la socday Xasan Sheekh ayaa waxa mar qura la huwiyey rasaas xoogan, ayada oo lasoo warinayo in ilaaladii la socotay madaxweyanha aysan marnaba ka jawaab celin rasaastaas, midaasi oo baajisay iska hor-imaad dhex-mari lahaa labada ciidan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in rasaasta lagu furay madaxweyne Xasan Sheekh aysan wax khasaare ah ka dhalan, kadib markii uu madaxweynaha amray ilaaladiisa inay is-xakameeyen, islamarkaana aysan ka jawaabin rasaasta lagu furay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka yimid shir nabad-gelyo oo ka dhacay Elite Hotel ee xeebta, isagoona u socday shir ay lahaayeen Midowga Musharaxiinta xiliga ay ciidamada dowladda ku fureen xabada.

Waxaa xusid mudan in goobta lagu rasaaseeyay madaxweyne Xasan Sheekh kal hore lagu rasaaseeyay kolonyo la socday Imaam Maxamed Yuusuf, midaasi oo uu hore raali-gelin uga bixiyey ra’iisal wasaaraha.

Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka oo ku aadan dhacdadaan.