Xildhibaan la socday Xasan Shiikh oo ka hadlay ‘isku dayga dil’ ee ay ka bad-baadeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga gudaha, Cabdirisaaq Maxamed oo sidoo kale ah mudane ka tirsan baarlamaanka, oo kamid ahaa mas’uuliyiintii la socotay kolonyadii la xabadeeyay ee madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay arrintaas.

Cabdirisaaq ayaa isku-day dil ku tilmaamay rasaastii ay ku fureen ciidamada dowladda Kolonyo Gawaari ah oo la socotay Xasan Sheekh, xili ay marayeen agagaarka xarunta Maxkamadda gobolka Benaadir ee degmada Xamar Weyne.

Waxa uu ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ka dalbaday in dhacdadaas uu ku sheegay isku-deyga dil ee ka dhanka ahaa madaxweynihii hore ku sameeyo baaris deg-deg ah.

“Rooble waa inuu baara isku-deyga dil ee ka dhanka ah madaxweynihii hore Xasan Sheekh. Taasi oo dhacday 40-daqiiqo ka hor. Aniga qudheyda waxaan la safrayay madaxweynaha oo aan wehliyo taliyihii hore ee NISA Sanbaloolshe. Waa daan-daansi aan la aqbali karin oo ka dhan ah madaxweynaha,” ayuu yiri.

Sidoo kale dhacdadaan ayaa waxaa ka hadlay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo ay kamid yihiin Mahad Salaad iyo Axmed Macalin Fiqi.

Mahad Salaad ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha laga rabo tallaabo deg-deg ah oo ka dhan ah arrinta lagula kacay madaxweynihii hore, isagoo dalbaday in sharciga la horkeeno ciidamadii rasaasta ku furay iyo cidii ka dambeysa.

“Ciidamo ku sugan agagaarka Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa galabta rasaaseeyay Madaxweyne Xasan Sheekh. Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa looga fadhiyaa in uu tallaabo degdeg ah ka qaado, sharcigana horkeeno ciidamadaas iyo ciddii bixisay amarka weerarka. Weerarka galabta ayaa noqonaya midkii saddexaad oo lagu beegsado Madaxweyne Xasan Sheekh,” ayuu yiri.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday Xasan Sheekh uu noqonayo midkii saddexaad ee lagu beegsado, ayada oo dhawaan xal laga gaaray xiisadii ka dhalatay doorashada dalka.

“Ciidamo ku sugan agagaarka maxkamadda gobolka Bamaadir ayaa rasaaseeyey baabuurkii uu saarnaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka badbaaday weerarkaas. Ma ahan markii koowaad ee ciidamada halkaas ku sugan ay weeraraan mas’uuliyiin wadadaas maraysa, waxaana laga sugayaa Raysulwasaare Rooble inuu tallaabo degdeg ah oo sharciga waafaqsan uu ka qaado ciidamadaas iyo ciddii ka danbaysay amarka weerarka,” ayuu yiri.

Si kastaba, rasaasta lagu furay Kolonyada madaxweyne Xasan Sheekh ayeysan ka dhalan wax khasaaro ah, kadib markii uu madaxweynihii hore amray ilaaladiisa inay is-xakameeyan, si looga baaqsado iska hor-imaad sababi lahaa khasaaro badan.