Daawo: DF oo war kasoo saartay rasaastii lagu furay madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cadaaladda xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay rasaas galabta lagu furay baabuur uu la socday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintaas ay aheyd shil oo aysan ku talo-gal aheyn, isla markaana loo xil saaray guddi soo baara sida ay wax u dhaceen, kaas oo uu horkacayo Taliyaha ciidanka Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

“Maanta waxaa dhacay shil dhex-martay ciidan Asluubta ka tirsan iyo ilaalada Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, waxuuna ahaa shil si qaldan u dhacay, waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa in ciidanka Asluubta aysan si ku talgal ah u geysan shilkaas,” ayuu yiri wasiir Cabdulqaadir Maxamed.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Arrintaas hadda waxaan u xilsaarnay guddi uu Taliyaha horkacayo, cidii uu ku cadaado qalad noocaan ahna, waxaan hor keeni doonaa sharciga, qaladkaas oo kale in uusan nagu soo laabana waan ku dadaaleynaa, sida loo maamulayo baraha controlna waan ka wadahadalnay taliyaha, waana la hagaaji doonaa, waxaan rabaa in dadka Soomaaliyeed ay ogaadaan ciidamada mas’uuliyad ayaa saaran, qalad waa dhici karaa, laakiin muhiimadu waa in laga daba tago oo la saxo, madaxweyne Xasana waxaan uga mahad naqeynaa, sida uu u xakameeyey arrintaan, waana ka raali gelineynaa.”

Kolonyo uu la socday Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa galabta waxa mar qura la huwiyey rasaas xoog leh, waxaana la sheegay in ilaaladii la socotay madaxweyanha aysan rasaastaas ka bixin wax jawaab celin ah, sida aan xogta ku helnay, taas oo baajisay iska hor-imaad dhex-mari lahaa labada ciidan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in rasaasta lagu furay madaxweyne Xasan Sheekh aysan wax khasaare ah ka dhalan, kadib markii uu madaxweynaha amray ilaaladiisa inay is-xakameeyaan, isla markaana aysan ka jawaabin rasaasta lagu furay, waxaana la sheegay in xabadaha ugu badan ay ku dhaceen gaariga madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka yimid shir nabad-gelyo oo ka dhacay Elite Hotel ee xeebta, isagoona u socday shir ay lahaayeen Midowga Musharaxiinta, xiliga ay ciidamada dowladda ku fureen xabadaha.

Waxaa xusid mudan in goobta lagu rasaaseeyay madaxweyne Xasan Sheekh kal hore lagu rasaaseeyay kolonyo la socday Imaam Maxamed Yuusuf, midaasi oo uu hore raali-gelin uga bixiyey ra’iisal wasaaraha.

Hoos ka daawo