Aqriso Magacyada: Saciid Deni oo Rooble u gudbiyey xubnaha gudiga doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu magacaabay xubnaha guddiga doorashooyinka heer federaal ku meteli doona maamulka Puntland, kuwaas oo gaaraya sided xubnood.

Warqadda uu madaxweyne Deni ku soo magacaabay xubnahan ayaa lagu socodsiiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble, iyadoo lagu cadeeyey in ogaansho ay ka heysato xafiiska madaxweyne Farmaajo.

“Mudane Ra’iisul wasaare, waxaan halkaan kugula wadaagayaa magacyada xubnaha Puntland ku meteli doona guddiga doorashooyinka heer federaal (SIEIT),” ayaa lagu yiri warqadan ka soo baxday xafiiska madaxweyaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban sideed ayaa kala ah:

1. Cabdikariin Muuse Maxamuud
2. Mouse Cabdiqaadir Ducaale
3. Axmed Cabdi Maxamuud
4. Ceynaanshe Yuusuf Xuseen
5. Caydaruus Axmed Faarax
6. Cabdirisaaq Cabdulle Faarax
7. Farxiya Xuseen Maxamuud
8. Canab Xaaji Saleebaan Warsame

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Madaxweynaha Axmed Madoobe ayaa dhankooda xalay iyo maanta soo kala magacaabay xubnihii laga sugayay ee guddiyada doorashooyinka.

Axmed Madoobe ayaa xalay soo magacaabay 12-xubnood oo guddiyada doorashada ku meteli doona Jubbalanad, halka Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi uu maanta soo magacaabay 6-xubnood oo ah kala bar xubnaha guddiyada doorashooyinka ku meteli doona gobollada waqooyi ee Somaliland.

Jubaland, Puntland iyo guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa noqonaya dhinacyadii u horeeyay ee qaada tallaabo lagu fulinayo heshiiskii maalmo ka hor lagu kala saxiixday magaalada Muqdisho, kaas oo meesha ka saaray mad-madowgii ragaadiyey hir-gelinta doorashooyinka Soomaaliya.