Mid ka mid ah qodobadii ay ku heshiiyeen R/W Rooble iyo madax goboleedyada oo waqtigiisa ku fuli waayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Qodobkii ugu horreeyey ee kamid ahaa qodobadii ay 27-kii bishii May ku heshiiyeen dowladda federaalka Soomaaliya, duqa Muqdisho iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa ku fuli waayey waqtii loogu talagalay.

Qodobka ku fuli waayey waqtigii loogu talagalay ayaa ah qodobka ku saabsan xalinta dooda kasoo laabatay guddiyada doorashada, waxaana heshiiskii ay kala saxiixdeen dhinacyadu ku xusnaa in 3-maalmood lagu soo gudbiyo xubnaha guddiyada doorashada ee tabashada laga qabo, kadibna guddi uu u saaro Ra’iisal wasaare Rooble, iyadoo guddigaasna loo qorsheeyey in laba maalmood gudahood ay ku soo gudbiyaan cidii soo magacawday si ay u keenaan bedelkooda, laguna shaaciyo laba maalin gudahooda.

Waqtiga loogu tala-galay fulinta qodobkaan oo aheyd muddo shan maalin ah ayaa ku ekeyd 31-kii bishii dhamaatay ee May, waxayna shalay guddigii uu arrintaan u saaray Rooble shaaciyeen magacyada 67-qof oo dood laga keenay, waxaana weli sii dhiman in guddiga uu xubnahaan baaritaan ku sameeyo, kadibna dib loogu celiyo cidii soo magacowday, si loo bedelo.

Howsha u taalla guddiga uu magacaabay Ra’iisul wasaare Rooble ayaa laga yaabaa inay sii qaadato waqti dheeri ah oo aan si rasmi ah loo ogeyn, waxayna taas saameyn ku yeelan doontaa muddadii ay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadu ku heshiiyeen in doorashada lagu qabto oo aheyd 60-maalmood gudahood.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa aamisan in doorashada Soomaaliya ay ku dhici karto 6 ilaa 7 Bilood marka la fiiriyo duruufaha dalka ka jira iyo waqtiga ay u baahan tahay in lagu xaliyo doodaha ka imaan doono doorashada xubnaha Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose oo ah meesha ugu badan ee uu loolanka doorashada ka dhici doono.

Dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya ayaa haatan qanacsan, maadaama dalka uu galay doorasho, waxaana la qiyaasayaa in aysan dood weyn ka imaan waqtiga ay qaadaneyso qabashada doorashada marba haddii uu dalka galay jawi doorasho, horayna loo soo bartay in doorashada ay dhaafto waqtigii looga talagalay.

Halkaan hoose ka akhriso qodobka waqtigiisa ku fuli waayey ee kamid ahaa qodobadii ay ku heshiiyeen Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada.

Tubta xallinta khilaafka Guddiyada maamulka doorashooyinka

Goluhu wuxuu go’aamiyey, iyadoo la tixraacayo soo jeedintii Guddiga Farsamada Baydhabo, in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka loo soo gudbiyo xubnaha Guddiyada maamulka doorashada ee labada heer ee cabashadu ka jirto muddo 3 maalmood gudahood ah si loo badalo. Wakhtigu wuxuu ka bilaabanayaa markii ay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranku saxiixaan heshiiskaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya markii ay soo gaarto xogta xubnaha cabashada laga qabo, uuna xaqiijiyo cadeymaha xogtaas wuxuu u gudbinayaa ciddii soo magacawday si loo keeno badalkeeda, loona faafiyo muddo 2 maalmood gudahood ah.