Natiijadii ugu horeysay ee doorashada Somaliland oo la shaaciyey – Yaa ku horreeya?

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd lagu dhawaaqay natiijadii ugu horeysay ee doorashada goleyaasha deegaanka Somaliland, taas oo labo maalin ka hor ka bilaabatay dhamaan deegaanada Somaliland.

Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa si horudhac ah u shaaciyey natiijada ilaa shan kamid ah degmooyinka Somaliland, taasi oo lagu muujiyey sida ay u kala heleen saddexda xisbi ee ka jira Somaliland.

Doorashada Somaliland ka dhacday 31-kii May ayaa iskugu jirtay doorashada mudaneyaasha golaha wakiilada iyo deegaanka ee maamulkaas, wuxuuna si horudhac ah u shaaciyey komishanka ilaa hadda mida goleyaasha deegaanka.

Waxaa la filayaa in Guddiga doorashooyinka ay shaaciyaan natiijooyin kale oo ku aadan doorashooyinkii qabsoomay Isniintii, midaasi oo lagu muujinayo sida xisbiyada uga kala guuleysteen Xildhibaannada golaha wakiilada iyo deegaanka ee guud ahaan Somaliland.

Hoos ka eeg natiijada hordhaca ah iyo sida ay u kala heleen xisbiyadu.

1. Sallaxley, Maroodi-jeex

  • Kulmiye 4
  • Ucid 3
  • Waddani 2

2. Gar’adag.

  • Kulmiye 4
  • Waddani 3
  • Ucid 2

3.Saylac-Awdal.

  • Kulmiye 4
  • Waddani 4
  • Ucid 4

4. Xuddun-Sool

  • Kulmiye 7
  • Waddani 2

5. Lughaye-Awdal.

  • Kulmiye 5
  • Waddani 2
  • Ucid 1