Sawirro: Loolanka doorashada xildhibaanada Waqooyi oo ka billowday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday loolanka xildhibaanada gobolada Waqooyi ee Somaliland, kadib heshiis laga gaaray khilaafkii mudada dheer ka taagna hanaanka doorashada dalka, oo qeyb ka aheyd arrinta Somaliland.

Kulan ka qabsoomay huteel Jazeera ayaa waxaa taageero ballaaran loogu muujiyey Siyaasi ka tirsan gobolada galbeedka, gaar ahaan beesha Wasiir Beyle oo dhawaan isu-soo taagay xildhibaanimada golaha shacabka.

Munaasibada oo ay ka qeyb-galeen odayaal dhaqameed, aqoonyahan iyo dhalinyaro ayaa kalsooni buuxda loogu muujiyey Dr. Cabdillaahi Xaashi Abiib oo ay ku sifeeyen “hogaamiye waxqabad ku xeeldheer oo beesha Maxamed Case iyo Gadabuursi mideen doona”.

Sidoo kale waxaa kulankaan dhaliil xoogan loogu jeediyay Wasiirka maaliyada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Beyle oo ay sheegen inay ku hungoobeen doorashadiisa, waxayna ballan-qaadeen in beesha Maxamed Case ay doorkaan garab taagan tahay Dr. Abiib.

“Beyle wuxuu kala qeybiyay reerka, waxaana kala noqonay kalsoonidii iyo taageeradii beesha ee 4-tii sanno ee lasoo dhaafay. Waxaa kalsoonida codkeena siin doona hogaamiye Dr. Cabdillaahi Xaashi Abiib,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka oo ka hadlay munaasibadaas.

Kulanka oo ahaa mid u gaar ah Beesha Maxamed Case ee Muqdisho ayaa waxaa si adag looga horyimid Wasiir Beyle iyo dib isu-soo sharaxidiisa, oo isagu muddo badan ka tirsanaa xukuumadda, islamarkaana ah mudane ka tirsan golaha shacabka oo ku metela beesha.

Ma aha markii u horeysay ee magaalada Muqdisho uu ka dhaco kulan looga soo horjeedo Beyle, haddana waa midkii ugu cuslaa, ayada oo uu dabo socdo abaabul isbedal doon ah oo ka dhan ah qaar kamid ah mudanayaasha labada gole, kuwaasi oo beelahaas ku metelaan dowladda federaalka Soomaaliya.