Dallada ururada Soomaalida Netherlands oo maxkamad looga yeeray + Sababta

Amsterdam (Caasimada Online) – Dalladda Federation of Somali Associations in the Netherlands oo magaceeda loo soo gaabiyo FSAN ayna ku middeysan yihiin in ka badan 65 ururo Soomaali ah ayaa loogu yeeray Maxkamad markii lagu soo eedeeyey in aysan siin dadkii u soo shaqeynayay tan iyo markii la aasaasay lacagaha laga jaro dadka shaqeeya mushaarkooda, looguna tala galay qofku marka uu hawl-gab noqdo (Retire) in la siiyo.

Hay’ad musharaadka siisa dadka shaqada ka fadhiista (Pension founds) ayaa dacwad ka gaysay FSAN maxkamad, waxayna dalbatay in lacagahaasi ay bixiso FSAN, haddii ay bixin waysana in maxkamadu ay xukun ku rido, iyada oo FSAN dhinaceeda ay iska difaacday eedeyntaas.

Mid ka mid ah guddoomiyayaasha ururada xubinta ka ah dalladda FSAN, kana gaabsaday in magaciisa la xuso, oo aan ka waraysanay halka ay dacwadu mareyso ayaa ku nuuxnuuxsaday in dhowaan labada daraf ay maxkamad wada tageen, lana sugayo go’aanka maxkamadda.

“Maxkamad ayaa dhacday maalin dhoweyto, go’aan ayaa la sugayaa, qolada lacagta soo sheegatay ee “Pension fonds” waxay ku doodaysaa in shaqaalihii ka shaqeynayay FSAN ilaa maalintii la aasaasay xuquuqdooda in la bixiyo, FSAN iyaguna dhinacooda way is difaacday, haddii lagu yiraa FSAN waxba la idin kuma laha iska baxa waa guul, haddii-se lacag badan lagu xukumo ciladu halkaas ayeey ka imaaneysaa, inkastoo ay jiraan dad aaminsan in FSAN ay lacag haysato iskana bixin karto haddii maxkamadu xukunto,” ayuu yiri mas’uulkaas, waxaanna uu intaasi sii raaciyey:

“Eeg…ururkii SOMVOA, oo ahaa ururkii ugu faca & magaca weynaa ururada Soomaalida, xittaa dadka Soomaalida marka ay dalal kale ka imaanayaan waxaa la dhihi jiray haddaad Holland tagtaan SOMVOA taga, ma jirtaa cid garaneysa waxa ururukaasi uu saaxada kaga baxay.? wuxuu kaga baxay markii lagu eedeeyey in aysan si sax ah u maamulin lacago loogu talogalay in ururkaasi & urur kale oo Itoobiyaan ah ay mashaariic ku wada fuliyaan, ayna ku fashilmeen in ay sameeyaan xisaab celin sax ah, maanta marka aynu maqalno FSAN ayaa lacag loo haystaa, waxeynu soo xasuusaneynaa wixii horay u qabsaday SOMVOA, umana rajeyneyno in ay taasi ku dhacdo.”

Mas’uulkaas magaciisa qariyay, waxaa kale oo la weydiiyey cidda qaadeysa mas’uuliyadda in aan wax xil ah la iska saarin arrintan, waxaanna uu yiri:

“Waxaa wax iska caadi ah, haddaad tahay shirkad ama hay’ad haddii maamuladii kaa horeeyey ay wax qaribaan mar walba lama dhahaayo maamulkii idinka horreeyey ayaa qaladkaas gaystay idinka waxba la idiin raacan maayo, mar waliba mas’uuliyada waxaa qaadanaya maamulka xilligaasi jooga, maamuladii hore iyo kuwii xilalka isaga dambeeyey arrintan way ka seexdeen waayo shuruucda dalkan sida ay tahay ciddina kama qarsoona”

Mahad Siciid oo muddo dheer Xisaabiye ka ahaa FSAN, iskana casilay xilkaasi sannadkii hore, ayeey dad badani ictiqaadsan yihiin in is-casilaadiisu ku lug laheyd isaga oo ay u muuqatay in FSAN qarka u saaran tahay waddadii burburka, haddaba Mahad qudhiisa ayeeynu arrintaasi iyo arrinta maxkamadda wax ka weydiinay wuxuuna ku jawaabay:

“is-casilaadeydu waxay aheyd arrin shaqsi ah, wax shaqo ah kuma laha arrinta dacwada. Dacwadani mudda ayeey socotay, haddana way socotaa, meesha ay mareyso waxaa fiicnaan laheyd in guddiga bestuurka la weydiiyo”

Xiriir aan la sameeyey dalladda FSAN, si aan arrintan wax uga weydiino wax jawaab ah kama aynaan helin.

W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan
Caasimada Online, Netherland