Aqriso Magacyada: Mursal oo 15 xildhibaan ka joojiyey kulamada BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ay heshay Caasimada Online ayaa muujineysa in guddoomiyuhu saxiixay in illaa 15 xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka aysan ka soo qeyb-geli karin kulamada soo socda ee golaha.

Sida qorshuhu yahay kulanka ugu soo horeeya ayaa dhacaya Isniinta soo socota, kaas oo shaki badan laga sii muujinayo.

Magacyada xildhibaanada laga mamnuucay ka soo qeyb galka kulamada soo socda ayaa la dhigay albaabada laga galo Villa Somalia, sida aan xogta ku helnay. Tallaabadan xasaasiga ah ayaan la ogeyn awoodda Mursal u hayso inuu sidaas sameeyo.

Warqadaan oo lagu cadeeyey in la ogeysiiyey Taliyaha ciidanka amniga ee golaha shacabka ayaa lagu shaaciyey magacyada xubnaha laga mamnuucay ka qeyb galka kulamada soo socda ee golaha shacabka, waxayna kala yihiin:

1 –Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur
2 –Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf lidow
3 –Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuhulow
4 –Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur
5 –Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad
6 –Xildhibaan Cabdirasaq Omar Maxamed
7 –Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene
8 –Xildhibaan Maxamed Cali Cumer
9 –Xildhibaan Faysal Cabdulle Guuleed
10 -Xildhibaan Cabdullahi Yuusuf Xasan — Alankey
11 –XiIdhibaan Cabdirashid Maxamed Xidig
12 –Xildhibaan Jibriil Cabdirashid Xaaji
13 –Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon
14 –Xildhibaan Saadiq Xirsi Warfa
15 –Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil — Hassan Yare

Waxaa guul-darro ku dhamaaday kulankii maanta loo balansanaa ee xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxayna xildhibaano ka tirsan golaha guddoonka ku eedeeyeen inuu qarinayo ajande aan ahayn kan lala wadaagay.

Xildhibaanada ayaa horay loogu wargeliyey in ajendaha kulankii maanta uu noqon doono ka hadalka cudurka Coronavirus, waxayna ajendahaas ka muujiyeen shaki weyn, iyagoo meesha ka saaray sabab keeni karta in baarlamaanku hadda ka hadlo COVID-19.

Xildhibaannadaas ayaa sheegay in hoolka golaha dibadiisa la keenay ciidamo dhar cad ah oo ka tirsan NISA, balse xildhibaano kale ayaa rumeysan in kulanku ahaa mid caadiya oo u dhici lahaa sidii loo qorsheeyey lagana doodi lahaa ajandaha qoran ee COVID-19.

Buuq iyo sawaxan badan ayaa ka jiray gudaha hoolka baarlamaanka, waxayna xildhibaanada qaar ku goodiyeen inaan fadhiga la keeni karin wax ka duwan ajendihii loo sheegay, mudo kadibna guddoonka ayaa isaga baxay xarunta golaha, sidaas ayuuna ku baaqday kulankii maanta la isugu yeeray xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka.

Guddoomiye Mursal ayaa dalbaday in loo soo hudbiyo magacyada xildhibaanada abuuray buuqa, waxaana la sheegay in warqad uu banaanka hore ee madaxtooyada ka dhigay, si kulamada soo socda aysan uga qeyb gelin.

Siyaasiyiin badan ayaa qaba in qorshaha guddoonku uu ahaa sida maanta dhacday, isla markaana lagu tala-galay in xubnaha diidan mudo kororsiga laga ganaaxo ka qeyb galka kulamada dambe, si buuq la’aan wixii la doono looga ansixiyo golaha.

Hoos ka aqriso warqadda guddoomiye Mursal