Maxuu yahay qorshaha loo aas-aasay hay’adda cusub ee Rooble Muqdisho ka daah-furay? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-garsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta daah-furay ‘hey’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed’ taas oo ka shaqeyn doonta hubinta tayada, ilaalinta badeecadaha iyo cuntooyinka dalka soo gala.

Dhismaha hey’adan waxaa ka soo shaqeysay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya, sida lagu shaaciyey qoraal uu baahiyey xafiiska ra’iisul wasaare Rooble.

Ra’iisul wasaaraha oo goobtii daah-furka hadal ka jeediyey ayaa faahfaahiyey muhiimadda ay leedahay hey’addan oo mas’uul ka noqon doonta dajinta siyaasadaha, dhaqan-gelinta sharciyada iyo habraacyada lagu hubinayo badqabka iyo tayada caafimaad ee cunnooyinka iyo badeecadaha la keenayo Soomaaliya.

“Dalkeennu waxa uu noqday meel lagu soo guro waxyaabha dhacay sida cuntooyinka, daawooyinka iyo iwm , laakiin maanta oo ay taariikhdu tahay 27 March, 2021 waxaan haysannaa halbeegyo lagu hubinayo dhammaan waxyaabahaas aan u baahanahay in tayadooda la koontaroolo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay ganacsatada in ay u hoggaansamaan halbeegyada tayo-dhowrka, si loo ilaaliyo tayada badeecooyinka kala duwan ee dalka la soo galinayo.

Rooble ayaa shacabka ugu baaqay in ay feejignaadaan oo ay iska hubiyaan tayada cunnooyinka iyo badeecooyinka kala duwan oo ay caalamka ka soo iibsadaan.